Kiiska dilka Ikraan Tahliil waxuu ku cadaadey Fahad Yaasiin

Kahor inta aan warbaahinta Qaranka lagu shaacin geerida Ikraan Khamiistii, Fahad Yaasiin ayaa isaga cararay Magaaladda Muqdisho, isagoo ka baqaya in la xiro.

Warar Keydmedia Online
Kiiska dilka Ikraan Tahliil waxuu ku cadaadey Fahad Yaasiin

MUQDISHO, Soomaaliya - Kiiska dilka Ikraan Tahliil ayaa yeelanaya wajiyo cusub, iyadoo ay soo baxayaan macluumaad cusub oo ku saabsan cida ka dambeysa dilka Gabadhan katirsanyd NISA tan iyo 2017.

Waxay arintoo dhan ku biyo shubatay Fahad Yaasiin, kadib markii Al-Shabaab iska fogeysay shalay, islamarkaana ay qoraal ay soo saartey ku sheegtay in layaab ku noqotay eedaynta NISA.

Fahad oo kiiskan ku noqday qaladkii ugu weynaa uu galay ayaa ka cararay dalka, waxayna wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu u baxsadey Turkiga, isagoo isku dayaya inuu cadaaladda ka baxsado.

Ikraan waxaa la waayay 26-kii June 2021, waxayna ugu dambeysay hooyadeeda Qaali Maxamuud xiligii ay Gurigeeda oo ku yaalla nawaaxiga Xarunta NISA oo ahayd habeen 8:00 P.M. Saaladii cishaha kadib.

Waxaa sida ka muuqata muuqaalka CCTV ay Ikraan raacday Gaari Hilux Toyota ah, oo NISA leedahay, waxayna Qaali sheegtay in Gabadheeda ay baxday kadib markii taliye sare oo NISA katirsan u yeeray, isagoo u sheegay inay shaqo deg-deg ah qabaneyso, waxaana lagu amray inay Taleefoonkeeda iyo Laptop-keeda kasoo tagin.

Gaariga wuxuu Ikraan u qaadey dhanka Godka Jilicow, waxaana ku-xigeenkii hore ee NISA Jen Cabdalla Cabdalla sheegay in saacado kadib kasoo baxay xabsiga Gaari Ambulance ah oo u maleynayo in Meydka Gabadhan uu wadey, loona qaadey duleedka Muqdisho, oo lagu aasay.

Fahad iyo Kulane Jiis ayaa Ikraan uga yeeray London oo ay u cararay kadib dilkii Eng Yariisow 2019, waxayna labada mas'uul ee ugu sareysay NISA qorsheeyay dilka Gabadhan oo la sheegay inay ka heysay xogo xasaasi ah, oo ay kamid tahay mid dhalinyarada loo eedey Eritrea, iyada ay qortay iyo falkii lagu qaarijiyay duqii Caasimadda.

Ikraan waxay NISA ku biirtay 2017, waxaana qoray Sanbaloolshe, iyadoo u qaabilsanayd amaanka Internet-ka hay'adda Sirdoonka Qaranka [Cybersecurity], waxaana lagu tirayaa Saraakisha fara-ku-tiriska ee ugu aqoonta badanayd.

Fahad ayaa dakano u abuurey Beesha uu ka dhashay ee Reer Aw-xasan, iyadoo rag katirsan qabiilka Ikraan Tahliil ay dhalinyaro ku afduubeen Beledweyne. [Halkan ka akhri warka].

Ikraan uguma horeyso dadka ku maqan gacanta Fahad Yaasiin, waxaa jira Saraakiil kale oo badan oo NISA katirsanaa, kuwaasoo illaa hadda nolol iyo geeri lagu la'yahay, iyadoo wixii dambiyo ahaa ee uu galay hadda banaanka soo baxayaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.