Kumuu ahaa hogaamiyihii Al-Shabaab looga dilay Saakow?

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay in C/qaadir Kumaandoos uu  ahaa Sarkaal sare oo xilal kala duwan kasoo qabtay Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Kumuu ahaa hogaamiyihii Al-Shabaab looga dilay Saakow?

MUQDISHO, Soomaaliya - Militeriga Mareykanka ayaa shaaciyay magaca hogaamiye sare oo kamid ahaa Kooxda Al-Shabaab oo ay ku dileen duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay 25-kii August 2020 duleedka degmada Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM, oo nuqul kamid ah Keydmedia Online heshay ayaa lagu sheegay in C/qaadir Kumaandoos uu ahaa shaqsiga duqeynta ay ku dileen, kaasoo dilkiisa dharbaax kale ku ah awoodda Al-Shabaab.

Ninkan dilkiisa waxaa ka hadlay Xasan Daahir Aweys bishii lasoo dhaafay, isagoo aad u cambaareeyay, maadaama uu horey u ahaa gacantiisa midig xiligii uu madaxda u ahaa Ururkii Xisbul Islaam, oo burburay markii Al-Shabaab kala wareegtay degaanadii uu maamuli jiray 7 sano kahor.

Taliska Mareykanka ayaa xaqiijiyay in tan iyo bishii January ee 2020 ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya 46 weerar oo cirka ah, kuwaasoo intooda badan ka dhacay gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Dad badan oo shacab ah ayaa naftooda ku waayay duqeymaha socda, waxaana inta badan AFRICOM sheegtaa inaysan khasaaro rayid ka dhalan howlgalladooda, balse taasi beenowday kadib markii ay hadleen ehelada dhibaniyaasha. [Halkan ka akhri Diiradda Howlgalka US].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.