Labo arrin oo sababay in la eryo ku-xigeenka Wakiilka Midowga Afrika

In la eryo diblomaasigan u dhashay Uganda waxay ahayd qorsho mudo laga shaqeynayay, oo dhowr jeer dacwado laga gudbiyay ninkan, balse AU-da wax ka qaban waysay.

Warar Keydmedia Online
Labo arrin oo sababay in la eryo ku-xigeenka Wakiilka Midowga Afrika

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-xigeenkii ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo, ayaa Khamiistii lagu amray in mudo 7 maalin uga baxo dalka oo mudo 4 sano ka shaqeynayay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo saartey qoraalka lagu shaaciyay in diblomaasigan aan looga baahnayn inuu kasii shaqeeyo dalka, waxayna ku tilmaantay "Persona non Grate".

Sababta waxay ku sheegtay inuu ku xad-gudbay shariyaddii AMISOM daka ku joogtay, maadaama uu ahaa ninka 2aad ee ugu awoodda badan Howlgalka iyo inuu hagal-daacin ku wadey istaraatiijiyadda amniga dowladda.

Labo arin oo kale ayaa jirta oo Keydmedia ogaatey inay kamid ahaayeen sababaha Mulongo Soomaaliya looga ceyriyay, waxayna kala yihiin faragelinta AMISOM ee doorashadda iyo dooda ka taagan ka bixitaanka Ciidanka Midowga Midowga Afrika, oo isaga uu dejiyay qorsho kale oo ah in magaca laga bedelo, oo laga dhigo kuwa UN-ka hogaaminayo.

Bishii lasoo dhaafey dowladda Soomaaliya ayaa diiday in marka uu dhmaado 2021, AMISOM ay ka baxdo dalka, islamarkaana ku wareejiso mas'uuliyadda amniga qaranka Ciidankeeda.

Gollaha Amniga iyo Nabad-gelyadda Midowga Afrika ayaa qorshaha uu wado ah in AU-UN laga dhigo howlgalka, oo koofiyadda loo bedelo AMISOM, taasoo ah xeelad cusub oo la doonayo in dhaqaale looga cuno Beesha Caalamka.

Mulongo dalkiisa Uganda ayaa Ciidanka ugu badan ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna askari walba qaataa $1,280 dollar bishii, halka askariga Soomaaliga la siiyo wax ka yar $200, waxayna tani dad badan oo amniga darsa ku tilmaameen wati lumis, maadaama dhaqaalaha ku baxay AMISOM lagu dhisi karay Ciidan xoog leh oo dalka uu yeesho 14-kii sano ee lasoo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.