Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo

Dadkii Farmaajeysnaa 2017 waxay eedeen taageeradoodii, oo ay ka dhaxleen hogaan xun, musuq-maasuq, xad-gudub iyo kaligii-talisnimo.

Warar Keydmedia Online
Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - 8-dii February 2017, dad aad u xamaasadeysan baa wadooyinka Muqdisho isagu soo baxay xili habeen ah markii lagu dhawaaqay Farmaajo inuu ku guuleystay doorashaddii dhacay maalintaas.

Sidoo kale, dalal dibadda oo dibadda ku yaalla ayaa looga banaanbaxay guusha Farmaajo, iyadoo inta badan dadka Soomaaliyeed u haysteen inuu Farmaajo yahay shaqsiga saxda ah ee dalka ka badbaadin kara burburka iyo fowdada.

Laakiin, ma noqon sidii la moodey, waxaana la isla qiray in Farmaajo inuu yahay qof hadal mooyee, aan ficil lahayn.

Hadii la tiriyo arrimaha uu ku fashilmay Farmaajo tinta way ka badan tahay, waxaase ugu waaweyn, oo dadka iyo dalkuna u darnaa waa doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo amni sugan.

Waxyaabaha kala ee u muhiimsan dowladnimada curdunka ah waa dib u heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo lagu dhameyn karo khilaafka joogtada noqday, ee dib u dhigay doorashooyinkii 2020-2021.

In afartii sano mar doorasho dhacdo waa qodob dastuuri ah, horeyna loogu soo dhaqmayay, laakiin sanadkan waxaa jebiyay Farmaajo oo mudo xileedkiisa ku eg 8-da February, iyadoo aan muuqan doorasho la qaban doono, iyo xukun si nadiif ah lagu kala wareego.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu u balan-qaadey Shacabka markuu xukunka qabtay inuu noqon doono oday nabada ka shaqeeya, oo ku xaliya dhibaatooyinka qaab oday dhaqameed iyo is afgarad.

Laakiin, wax inuu xaliyo iskaba daayee, wixii dhisnaa ayuu burburiyay, isagoo abuurey khilaaf aan horey dalka usoo marin, kaasoo walaac ku beeray shacabka, oo ka welwelsan mustaqbalkooda iyo dagaal ka dhasha doorashooyin is-barbar socda oo ay qabtaan dowladda iyo Musharixiinta.

Danta qaranka ayuu Farmaajo ka hormariyo dantiisa gaarka, isagaa dhegaha ka fureystay baaqyadda ah in caqabadda taagan ay u baahan tahay tanaasul inuu la yimaado, si dalka looga badbaadiyo inuu ku laabto halkii uu ka yimid 30 sano kahor, dagaal Sokeeye.

Farmaajo ficilladiisa aan tanaasulka lahayn ee geeddi-socodka doorashada, waxay dhaawaceysaa xasiloonida iyo midnimada dalka.

Waa wakhtigii isbeddelka iyo samatabixinta Soomaaliya!

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.