Labo shaqsi oo gacanta u galay Kuraasta Somaliland ee BFS

Kuraasta Somaliland waxaa lagu dooranayaa Muqdisho, iyadoo dadka dooranaya ay yihiin kuwa ku xisaabmaya lacagta badan ee Musharixiintu bixiyaan.

Warar Keydmedia Online
Labo shaqsi oo gacanta u galay Kuraasta Somaliland ee BFS

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed Maanta soo saareen habraaca cusub ee doorashadda kuraasta Somaliland ee ku matelaya Aqalka Hoose, BFS, 11aad.

Habraaca ayaa dhigaya in Musharax walba oo xil haya ama kamid ah Ciidanka inuu is-casilo 7 maalmood kahor doorashadda, waxaana sidoo kale laga doonayaa inuu bixiyo $10,000 hadii uu nin yahay, halka dumarka bxinayaan $5,000 oo diiwaangelinta ah.

Gudiga doorashadda Heer Maamul Goboleed ee SIET, qeybta Somaliland ayaa maamuli doono doorashadda oo gadaal ay ka taagan yihiin Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo kala qeybsadey kuraasta, oo usoo xulay shaqsiyaad ay kala wataan, waxaana ka dhaxeeya jufooyinka loolan xoog leh.

101 ergo ayaa u codeyn karta dhowr kursi, maadaama ay jiraan duruufo adag oo dhanka Somaliland dadka kasoo jeeda, oo heli karin in kursi walba soo xulaan 101 ergo beeleed.

Doorashadda waxaa la filayaa in berri wixii ka dambeeya ka billaabato Muqdisho, gaar ahaan xarunta Afisyooni oo lagu doortay dhawaan 11-ka kursi ee Aqalka Sare ku matelaya Somaliland.

275 xildhibaan waxaa lagu qeybsanayaa habka 4.5 ee ay beelaha wax ku qeybsadaan, halka 54-ta xubnood ee aqalka sare lagu qeybsanayo hab maamul, kuwaasoo la doortay marka laga reebo labo kursi oo ku harsan Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.