Lafta-Gareen oo albaabada kasoo xirmeen

Waxaa kursiga ku fariisiyay Farmaajo December 2018, iyadoo doorashadiisa loo diiday dhiig magaaladda Baydhabo, oo 11 qof lagu toogtay kuwaasoo diidanaa xariga Roobow.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo  albaabada kasoo xirmeen

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa ka dhamaadey mudo-xileedkii, wuxuuna biollaabey inuu madaxa derbiyada ku garaaco, isagoo kasoo xirmeen albaabada oo dhan.

Wuxuu naf ka raadiyay Deni, oo isna gudaha Puntland looga kacsan yahay, oo waqtigiisa gabaabsi yahay, waxaana labada hogaamiye ay doonayaan inay xulufo noqdaan, oo Xasan Sheekh lugta qabtaan.

Villa Somalia ayaa ku cadaadinaysa Lafta-Gareen inuu doorashadda waqtigeeda ku qabto, oo ah bishan, islamarkaana ka tanaasulo qorshaha mudo-korarsiga halka sano ah, sida uu KON ogaadey.

Siyaasiyiin katirsan dowladda Xasan Sheekh, oo Koonfur Galbeed kasoo jeeda iyo kuwa kale oo uu kamid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan [Shariif Sakiin], ayaa olole ka dhan ah Lafta-Gareen kawadaan Muqdisho, iyagoo damac uga jiro kursiga.

Warar hoose oo KON helayo ayaa sheegaya in Lafta-Gareen uu la wareegayo Garoonka diyaaradaha Baydhabo maamulkiisa amniga, oo hadda gacanta ugu jira Ciidanka Itooboya, si uu uga hortago inay kasoo degaan Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, oo Roobow ugu horeeyo.

Madaxda Maamullada oo dhan ayaa sameysanaya mudo-kordhin, si ay ula dhacaan Xasan Sheekh 2026, oo doorashadda xiligaas ugu tartamaan ama ay saameyn ugu yeeshaan qabashadeeda.

Waxaa kursiga ku fariisiyay Farmaajo December 2018, iyadoo doorashadiisa loo diiday dhiig magaaladda Baydhabo, oo 11 qof lagu toogtay kuwaasoo diidanaa xariga Roobow.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.