Lafta-Gareen oo boorsooyinka ka xir-xirtay Koonfur Galbeed

Lafta-gareen ayaa ku fadhiyay Kursiga Hop179, waxaana la sheegay in hadda uu rabo inuu ku fariisto markale, si uu ugu biiro baarlamaanka 11aad oo Gudoomiye inuu ka noqdo uu rabo.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo boorsooyinka ka xir-xirtay Koonfur Galbeed

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen, ayaa ku jira bilooyinkii ugu dambeeyay mudo-xileedkiisa oo ka haray 8 bilood, isagoo billaabey inuu boorsooyinkiisa Baydhabo kasoo xir-xirto.

Waxaa Baydhabo lagu qabanayaa 15-ka bishan doorashadda 7 kursi oo uu ku jiro Hop172, oo Lafta-Gareen horey ugu fadhiyay, haddana uu doonayo in dib loogu doorto, si uu uga mid noqdo Baarlamaanka 11aad.

Lafta-Gareen ayaa Madaxweyne loo doortay Dec 2018 kadib doorasho dhiig uu ku daatey oo Baydhabo lagu qabtay, taasoo Farmaajo u afduubey, kadib markii la xiray Musharax Mukhtaar Rooboe.

Doorashadaas oo maalmo ka dhiman ayaa Ciidanka wadooyinka Baydhabo ku toogteen 11 qof oo shacab ah, oo xariga Roobow ka banaanbaxayay, iyadoo Lafta-Gareen dembiyo kale oo waaweyn ka geystay KG intii uu joogay.

Lafta-Gareen ayaa la sheegay inuu raadinayo Gudoomiye Baarlamaan, waxaana wata Farmaajo oo soo dhisayo, iyadoo lagu tashanayo Xildhibaanada dhalinyarada ah ee sida musuq-maasuqa ah lagu soo saarey doorashada Koonfur Galbeed.

Kuraasta lagu dooranayo Baydhabo March 15 waa qeybtii ugu dambeysay ee Koonfur Galbeed ka imaanaysay, wuxuuna Lafta Gareen la cararayaa liiska cunaqabateynta Mareykanka ee loogu hanjabey Madaxda hadii kusoo gabagabeyn waayaan doorashadda waqtigeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.