Lafta-Gareen oo doorasho ku qabanaya Baraawe

Waxaa jirta caqabado dhanka amaanka, oo laga baqayo inay Kooxda Al-Shabaab ay weerar kusoo qaado magaalooyinka ay Baraawe kamid tahay, oo hareeraheeda ku xooog badan tahay.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo doorasho ku qabanaya Baraawe

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga doorashadda Koonfur Galbeed ee SEIT ayaa shaaciyay 13 kursi oo doorashadooda mudo Todobo maalin gudahooda lagu qabanayo magaaladda Baraawe, ee gobolka Sh/Hoose.

Waxay dad badan rumeysan yihiin in Baraawe aysan amni ahaan suurta-gal ahayn in doorashada lagu qaban karo, maadaama hareeraha magaaladda ay ku sugan tahay Al-Shabaab.

Koonfur Galbeed ayaa dooratay kuraastii ugu badnayd ee Gollaha Shacabka, iyadoo ay tahay meesha uu Farmaajo ku tashanyo codadka inuu ka helo doorashada Madaxweynaha dalka.

Waxyaabaha Koonfur Galbeed lagu dhaliilo waxaa kamid ah in kuraasta u xiran yihiin shaqsiyaad loogu tala-galay, taasoo fududeysansa dhaqso in doorashada lagu qabto, maadaama aan tartan jirin kuraasta.

Maamulada ayaa u harey 25 maalin inay kusoo buuxiyaan kuraasta dhiman, oo 200 ka badan, waxaana la filayaa in Madaxda ay shir kale isagu yimaadaan marka ay dhamaato doorashadda Caasimadaha Maamulada ka socoto, si ay uga tashadaan sida lagu billaabayo degaan doorashadda labaad.

Hadda doorashadda waxay ka dhacaysaa Kismaayo, Baydhabo, Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb iyo Garoowe, waxaana dhiman in lagu qabto wajiga 2aad Boosaaso, Gaalkacyo, Beledweyne, Baraawe iyo Garbahaarey.

Waxaa la ogyahay in Garbahaarey iyo Beledweyne murankii ka jiray aan wali la xalin, waxaana suurta-gal ah in xal-helida tabashooyinka reer Gedo iyo Hiiraan inay waqti badan qaadato.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.