Lafta-Gareen oo dib ugu laabtay Baydhabo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa loo diray magaalada Baydhabo si uu u billaabo doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada ee KGS laga soo doorto.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo dib ugu laabtay Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo ku sugnaa baryahan Muqdisho, markii horena ka yimid safar Turkiga, isagoo ka baaqday Shirkii Madasha Aragti wadaagga ee Garoowe lagu soo gabagabeeyay kaasoo ay ka qeyb-galeen Dowlad Goboleedyada dalka.

Markii uu Muqdisho soo gaaray waxa uu shir la qaatay Farmaajo, waxaana durba la billaabay dhaqan gelinta heshiisyo horay loola galay oo ahaa in xubno sare loo magacaabo madaxweynaha.

Waxaa durbadiiba la baddalay Xoghayihii jiigtada ahaa ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana xilkaa loo magacaabay wiil uu adeer u ahaa, sidoo kale waxaa laga talo galiyay xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare ee Ciidamda qalabka sida oo loo dhiibay nin uu isagu soo magacaabay.

Lafta-gareen ayaa ku laabtay Baydhabo si uu isna u fuliyo doorashooyinkii uu u ballan qaaday Farmaajo, waxaana xusid mudan in uu dusha saartay maalin kahor dhexdhexaadinta madaxda Dowlad Goboleedyada ka maqan doorashooyinka.

Waxaa laga sugayay in wada-hadallada uu meel gaarsiiyo, hayeeshee waxay u muuqataa mid aan waxba ka jirin oo la doonayo in lagu magac tirto oo la dhaho waxaa loo diray madaxweyne Qoor qoor weyna diideen, waxaa loo diray madaxweyne Lafta-gareen sidoo kale ayey u diideen.

Lafta-gareen waxa uu noqonayaa maamulkiisa midkii ugu horreeyay ee fuliya doorasho dhinac ka raran oo dalku uu aadayo bishan aan ku jirno ee Janaayo ama mid soo socota, maadaama aan jirin jadwal cad oo la hubo xiliga codbixinta billaabanayso.

Madaxda kale ee Dowlad Goboleedyada ayaa iyaguna weli laga dhur-sugayaa fulinta go'aankii uuu RW Rooble kaga dhawaaqay Muqdisho, iyagoo goobjoog ahaa, islamarkaana ku qanacsanaa mowqifka ay wad jirka u soo saareen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.