Madaxweynaha KG oo Maxkamad lasoo taagayo

Mid ka mid ah beelaha dega Koofur galbeed, ayaa ku dhawaaqay in ay maxakamad la tiigsan doonaan Madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen.

Warar Keydmedia Online
Madaxweynaha KG oo Maxkamad lasoo taagayo

BAYDHABO, Soomaaliya – Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa laga gudbin doonaa dacwad, waxaana lala kori doonaa Maxkamadaha dalka, Sida lagu sheegay war ka soo baxay odayaasha dhaqanka beesha Waalmugge, oo maalmaahan kulammo aaya-ka-tashi ah uga socdeen Baydhabo iyo Muqdisho.

Beeshaan oo kamid ah beelaha dega degaannada Koonfur Galbeed, ayaa Lafta-gareen, ku eedeeyay inuu beeshiisa u xoogay halkii kursi ee Waalmugge ku lahayd Baarlamaanka.

"Waxa ay sheegeen in Laftagareen oo fulinaya amarka Farmaajo, uu hore xasuuq ugu geystay dad shacab ah, isla-markaana uu hadda ku daray boob doorasho, “taas ayaa khasab ka dhigeysa maxakamadeynta Madaxweynaha KG," ayaa lagu yiri qoraal Beesha soo saartay.

Kursigaan uu Lafta-gareen boobay oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlmaanka Faderaalka Soomaaliya, waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay, Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga HIMILO QARAN, oo uu hoggaamiyo Sheekh Shariif.

Lafta-Gareen ayaa ku dhaqaaqay tallaabo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka yaabisay, kadib markii uu kuraasta Aqalka Sare ee maamulkaas ka imaanaya, u xiray kaliya shaqsiyaad ay xidid, xigto iyo xabiib yihiin, isla-markaana uu ka reebay siyaasiyiinta miisaanka culus ee matala shacabka Bay iyo Bakool.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.