Lafta-Gareen oo sii wada doorashadda boobka ku dhisan

Waxuu kuraasta Aqalka Hoose ee laga soo dooranaya Koonfur Galbeed ku fariisinayaa Xildhibaanno u codeeya Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo sii wada doorashadda boobka ku dhisan

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafa-Gareen, ayaa shaaciyay liis cusub oo kamid ah Kuraasta Aqalka Hoose, oo uu doorashadooda ka dhacaysa Baydhabo maalmaha soo aadan xili uu jiro shir la qorsheynayo inuu ka furmo Muqdisho oo lagu saxayo qaldadaadka iyo musuq-maasuqa doorashadda dalka.

Lafta-Gareen ayaa diiday ka qeybgalka Shirka Rooble iclaamiyay ee lagu casuumey dhamaan Madaxda Maamul Goboleedyada, kaasoo u baaqdey Dec 27 isku daygii Afgembi ee Farmaajo sameeyay, kaasoo dalka qalqal geliyay. Madaxda Puntland, Galmudug, HirShabeelle iyo Jubbaland ayaa hadda ku sugan Caasimadda, oo kulanka ka qeybgalkiisa u yimid.

Koonfur Galbeed ayaa ah meesha ay ka imaanayaan Xildhibaanada ugu badan ee Baarlamaanka, marka loo eego maamulada kale, waana meel uu ku tashanayo Farmaajo oo raba in kursiga mar labaada u tartamo. Lama oga in iyadoo Farmaajo Villa Somalia ku sugan ay doorashadda si hufan u dhaci doonto.

Lafta-Gareen isagoo wasiir katirsan Xukuumadii Khayre ayaa la geeyay Koonfur Galbeed, oo loo boobey doorashadii maamulkan Dec 2018, waxaana u dhintay in k abadan 11 qof oo shacab ah, iyadoo la xiray Musharax Mukhtaar Roobow oo illaa hadda isaga dartiisa xabsi ugu jira.

Doorashadda Aqalka Hoose ayaa hareeyay musuq-maasuq iyo ku shubasho, waxaana mudo 55 maalmood lagu doortay 24 Xildhibaan, iyadoo taasoo ka dhalatay in jadwalkii la dejiyay lagu dhameyn waayo codbixinta oo waqtigeeda noqdey mid aan mudeysnayn, oo iska jiitamaya.

Liiska hoose oo 11 kursi oo Lafta-Gareen uu sheegay in dhawaan Baydhabo lagu dooran doono. Kuraastan waxaa ku jira Hope#67 oo ah midka lagu muransan yahay ee Yasin Farey ku guuleystay, kaasoo degaan doorashadiisu tahay Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.