Lafta-Gareen oo soo saarey liiska Musharixiin oo laga sugayay

Koonfur Galbeed ayaa horey u dooratay shan Kursi, oo kamid ah sideeda kursi ee laga siiyay Aqalka Sare, waxaana la filayaa inta dhiman inay berri doorato.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo soo saarey liiska Musharixiin oo laga sugayay

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-Gareen ayaa soo saarey liiska Musharixiinta uu taryamaya saddex kursi oo ka harsan xubnaha Aqalka sare ee Maamulkiisa ka imaanaya.

Saddexda Kursi waxaa u taryamaya:

Xasan Xuseen Xaaji, wasiirka Gaashaandhigga DF hadda xilka haya oo la taryamaya C/raxmaan Maxamed C/llaahi, waxayna u badan tahay inuu Wasiirka kusoo bixi doono.

Cali Sheekh Maxamuud Gacal waxaa la tartamaya C/qaadir Cabdi Axmed.

C/weli Maxamed Ibraahim Xaabsade waxaa la tartamaya C/llaahi Roobow Maxamed.

Doorashadda waxaa lagu wadaa inay dhacdo berri, August 15, waxayna ku qabsoomaysaa xarunta Baarlamaanka KG, iyadoo Xildhibaanada ay isku diyaariyeen codbixinta dadban.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.