Laftagareen: Qof Mucaarad igu ah islama-joogayno Baydhabo

Laftagareen ayaa ku yimid Kursiga Qori caaradiisa, kadib markii Farmaajo u xoogey doorashaddii December 2018, taasoo loo diiday Mukhtaar Roobow.

Warar Keydmedia Online
Laftagareen: Qof Mucaarad igu ah islama-joogayno Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweyne Laftagareen oo mudo-xileedkiisa ku egyahay bisha soo socoto ayaa soo saarey amar cusub, oo Baydhabo uga mamnuucayo mucaaradka kasoo horjeedo.

Aniga iyo qof iga soo horjeedo, oo maamulkayga diidan, Baydhabo islama joogayno, waa inuu ka baxaa magaaladda," ayuu yiri Laftagareen.

Waxaa Baydhabo ku xiran xabsiyadda siyaasiyiin dhowr ah, oo qaar Garoonka markii ay ka degeen la qabtay, iyo kuwa guryahooda lagala soo baxay, sida ay illo-wareedyo u sheegeen KON.

Xiisad iyo cabsi xoog leh ayaa ka jirta Baydhabo, iyadoo Ciidan daacad u ah Laftagareen ay billaabeen inay dadka guryaha ugu galaan, waxaana tallaabadan ay imaanaysaa xili mudo-xileedka Madaxweynaha uu maalmo ka haray.

Laftagareen ayaa ku yimid Kursiga Qori caaradiisa, kadib markii Farmaajo u xoogey doorashaddii December 2018, taasoo loo diiday Mukhtaar Roobow, oo dartiisa 3 sano NISA xabsi ugu haysay.

Koonfur Galbeed siyaasiyiinteeda waxay ku sugan yihiin Muqdisho, iyagoo aan tagi karin Baydhabo, oo Laftagareen ka dhigtay meel uu isaga leeyahay, oo uu rabo xukunka inuu sii joogo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.