Liyuu boolis oo sheegay in tiradii ugu badnayd ka dileen Al-Shabaab

Jeneraallo Itoobiyaan ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay booqanayay HirShabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Somaliland oo ku yaalla xadka Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Liyuu boolis oo sheegay in tiradii ugu badnayd ka dileen Al-Shabaab

ADDIS ABABA - Itoobiya ayaa sheegtay inay dishay 800 oo kamid ahaa Al-Shabaab, islamarkaana ay nolosha ku qabatay 100 kale kadib howlgallo ka dhacay dowlad degaanka Soomaaliya.

Taliyaha booliska dowlad degaanka Maxamed Axmed ayaa sheegay in Al-Shabaab jab weyn lagu gaarsiiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee gudaha iyo xadka ay ka fuliyeen Ciidanka liyuu boolis.

Ma uusan sheegin taliyaha halka uu ka dhacay howlgalka tiradan aadka ugu badan ee Al-Shabaab lagu dilay iyo goorta la fuliyay, mana jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda.

Al-Shabaab ayaa dhawaan billowday weeraro aan horey looga baran inay ka fuliso gudaha Itoobiya, waxaana bishii lasoo dhaafay ay sheegtay in boqolaal Liyuu bools ah ku dishay Bakool.

Itoobiya ayaa weerarada ku socda si wax uga qabato usoo dirtay Soomaaliya Jeneraallo Ciidan, oo ay hogaaminayo Jeneraal Tesfaye Ayalew, oo ah madaxa howlgelin Ciidankeeda difaaca.

Waxaa wafdiga qeyb ka ah taliyaha Liyuu boolis Maxamed Axmed, kuwaasoo booqday Hiiraan, Baydhabo, Kismaayo iyo Somaliland, oo ku yaalla xadka Itoobiya iyo Soomaaliya wadaagaan.

Waxay raadinayaan iskaashi amni iyo la dagaalanka Al-Shabaab inay u helaan garab gudaha Soomaaliya, waxaana ay heshiisyo la saxiixdeen Lafta-Gareen oo hadda Addis Ababa ku sugan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.