Loolanka talada dalka ee u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo

Farmaajo waxaa ka go'an inuu dalka xukumo xitaa iyadoo waqtiga ka dhacay, oo uusan haysan wax sharciyad ah oo dastuurka ku qoran.

Warar Keydmedia Online
Loolanka talada dalka ee u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Weli waxaa taagan Muqdisho xiisadda siyaasadeed, ee ka dhalatay loolanka dhinaca awoodda ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, kaasoo laga digayo inuu sababo dagaal sokeeye.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib markii xafiiska Farmaajo laga soo saarey qoraal lagu sheegayo in Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey uu shaqo-joojin ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Go’aanka waxaa durba ka dhashay xaaladda cakirnaan ah oo shacabka Caasimadda kusoo tooseen, waxaana gudaha Madaxyooyadda noqotay meel la isku hor-fadhiyo, oo labo koox ku sugan yihiin.

Farmaajo ayaa ku eedeeyay Rooble inuu ku lug leeyahay boobka dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda, oo ku yaalla xeebta Liido. Taliye ka yimid Puntland, C/xakiin Dirir oo madax u ah Ciidanka badda, ayaa eeda jeediyay markii hore.

Farmaajo ayaa geliyay Muqdisho mar qura marlaxad coladdeed, iyadoo jidadka muhiimka ah ee gala Madaxtooyadda la dhigay Ciidamo wata gaadiidka dagaalka, iyadoo Rooble loo diiday inuu galo xafiiska.

Rooble ayaa saacado kadib oo ismari-waa ah socod ku tagey xafiiskiisa, iyadoo ay la socdaan taliyeyaasha Ciidanka booliska iyo Militeriga, waxuuna la galay shir gaar ah, oo xaalka dalka ku saabsan.

Jidka Ceel-Gaabta illaa Garoonka diyaaradaha, oo ah wado uu Farmaajo isticmaalo safaradiisa dibadda, ayaa waxaa la wareegay Ciidamo uu watay Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur oo kamid ahaa mas’uuliyiintii saakay loo diiday inay talaan Villa Somalia.

Fahad Yaasiin ayaa markii dambe qabsadey jidka, oo dhigay Ciidanka Eritrea lagu soo tababarey ee Duufaan, isagoo kadibna ku baxsadey halkaasi, oo lagu soo waramayo inuu u guurey Decale hotel.

Decale hotel wuxuu ku dhex-yaallaa Garoonka Aadan Cadde, halkaasoo uu Fahad doonayo inuu ugu dhawaado diyaaradda uu dalka uga bixi lahaa, hadii sheekada xumaato, oo Farmaajo laga adkaado.

Loolanka Farmaajo iyo Rooble ee dhanka awoodda iyo talada dalka wuxuu soo jiitamayay tan iyo August 2021 markii Ra’iisul wasaaraha booqashada ku tagey Kenya, taasoo Fahad iyo kooxdiisa ka xumaadeen.

Kiiska Ikraan Tahliil iyo xilka qaadistii Fahad Yaasiin waxay saldhig u ahaayeen dagaalkii kan ka horeeyay ee labada mas’uul dhex-maray bishii September oo Farmaajo sidan oo kale Rooble shaqada uga joojiyay.

Dowladda Qatar ayaa October dhex-dhexaadisay khilaafka labada dhinac, kadib markii Fahad Yasin uu Doha ka codsadey inay ka gacan siiso qaboojinta xaaladda cakiran ee dalka.

Hadda xaaladda midii hore way ka duwan tahay, waxayana Ciidanka Badbaado Qaran, oo soo galay Caasimadda wacad ku mareen inaysan dib u laaban doonin illaa Farmaajo ay kasoo saaraan Madaxtooyadda.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqeysa in xaaladda aysan faraha ka bixin, oo dhinacyada is haya muujiyaan is-xakameyn iyo mas’uuliyad, islamarkaana wadahadal lagu dhameeyo arrimaha taagan, si doorashadda horey loogu sii wado.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.