Ikraan Tahliil oo la sheegayo in ay weli nooshahay

Tan iyo June 26 ayaa la weysanaa Gabadhan NISA katirsanayd, islamarkaan xog xasaasi ah ka heysay dilkii Eng Yariisow iyo Wiilasha loo diray Eritrea. 

Warar Keydmedia Online
Ikraan Tahliil oo la sheegayo in ay weli nooshahay

MUQDISHO, Soomaaliya - Keydmedia Online ayaa heshay xog rasmi ah oo ku saabsan arrinta Ikraan Tahliil Faarax oo ku dhex-maqan Hay'adda NISA oo ay u shaqeynaysay muddo afar sano ah.

Sarkaal sare, oo katirsan NISA, kaasoo codsaday inaan magaciisa qarinno, ayaa u xaqiijiyay Keydmedia Online inay Ikraan nooshay, islamarkaana lagu hayay todobaadkaan guri ku yaalla degmada Xamar-Jabab, ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in Gabadhan dhowr meel loo wareejiyay tan iyo 26-kii June, oo ahayd markii la waayay, waxaana markii ugu dambeysay la geeyay Goob gaar ah, oo aan xabsi ahayn, maadaama baaritaan socdo, oo aan la dooneynin in la arko.

"Aniga ayaa indhahayga kusoo arkay Ikraan, waxaa lagu hayaa Guri qarsoodi ah oo NISA ka kireysatay degmada Xamar-Jabab, waxaa ka muuqday jirdil iyo dhaawacyo kala duwan, oo aan u maleynayo inay ku jirto xaalad culus, oo su'aallo la waydiinayo," ayuu yiri Sarkaalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Sarkaalka ayaa xusay in Fahad iyo Kulane Jiis ay ka fekerayaan waxa ay ka yeeli lahaayeen Ikraan Tahliil, oo hadda Kiiskeeda banaanka yimid, ishana lagu wada hayo hogaanka NISA, oo markii hore qorshihiisu ahaa dil oo qari.

Illo kale ayaa oo lagu kalsoonaan karo ayaa isla xogtan u sheegay KON mar sii horeysay, iyagoo xaqiijiyay inay Gabadha nooshay, lana damacsan yahay in lasii hayo inta Fahad go'aan ka gaarayo, maadaama xili kala-guur ah lagu jiro.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono kiiska Ikraan, waxayna qoyskeeda dalbanayaan in loo soo celiyay, iyagoo ugu baaqey Rooble inuu soo farageliyo. Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidanka ayaa baaraya, inkasoo aan lagu kalsoonayn inuu natiijo kasoo saari doono.

Waxay tuhmayaan Fahad iyo saaxiibkiisa inay Ikraan sir bixisay intii ay joogtay Ingiriiska, taasoo ku saabsan kiiska dilka Eng Yariisow, oo lagu dilay qarax NISA iyo Al-Shabaab kasoo shaqeyeen, kaasoo ka dhacay xafiiskiisa July 24, 2019.

Gabadhan oo 23 sana jir ah ayaa horey u soo noqotay Agaasimaha Xafiiska Duqqa Magaalada Muqdsho, xilligii Allaha u naxariistee Eng Yariisow, waxayna dalka ka baxday, oo UK aqoon korarsi u aaday markii la dilay duqii Muqdisho, oo mar kamid noqday gollaha degaanka London.

Fahad iyo Kulane Jiis ayaa dalka kusoo celiyay, iyagoo u balan-qaadey shaqo cusub, laakiin ujeedkoodu wuxuu ahaa inay qaariyaan marka ay soo laabato, kahor inta aysan bixin xogta ay ka heshay dilkii Eng Yariisow iyo dhalinyaradii loo diray Eritrea, oo diiwaan-gelintooda wax ka ogeyd.

Todobaadkii lasoo dhaafay Dr. Xasan Faarax Axmed, oo ah adeerka Ikraan Tahliil Faarax, oo ehelkeedu raadinayan raqdeeda iyo ruuxeeda muddo ku dhow 25 cisho, ayaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ku edeeyay in ay ka danbeeyeen afduubka lagula kacay Ikraan.

Sida ay todobaadkii hore sheegtay Qaali Maxamed oo ah hooyada Ikraan, inta u dhaxeysa KM-0 iyo Hotel Globel, ayaa laga afduubtay Ikraan, waxaana loo qaatay dhanka guriga Maamo Khadiijo, oo ay degan yihiin taliska Nabad-sugidda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.