Madaxda Koonfur Galbeed oo usoo guuraya Muqdisho

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi ayaa Maanta Xildhibaan Heer Federaal ah noqdey, isagoo isha ku haya inuu Muqdisho xil sare ka qabto.

Warar Keydmedia Online
Madaxda Koonfur Galbeed oo usoo guuraya Muqdisho

BARAAWE, Soomaaliya - Kasoo billow Agaasime, Wasiir illaa Madaxda ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa usoo guuraya Muqdisho, kadib markii Baarlamaanka ku biireen.

Waxaa Maanta Xildhibaan Heer Federaal Baraawe loogu doortey Cali Saciid Fiqi, oo hayay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waa ninka 2aad ee ugu sareeyay Maamulka.

Waxaa jiray Wasiirro iyo Agaasimiyeyaal dhowr ah oo Xildhiabanno katirsan Gollaha Shacabka noqdey, iyadoo warar KON helayso ay sheegayaan in Lafta-Gareen uu kursigiisa dib u dhigtay.

Wuxuu Lafta-Gareen rabaa inuu noqdo Xildhibaanka ugu dambeeya ee lagu doorto Baydhabo, isagoo raba inuu dhamaan Xildhibaannada KG ee usoo saarey gacanta u geliyo Farmaajo.

Lafta-Gareen ayaa damac uga jira inuu noqdo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo afartii sano ee jirtay dowladda Farmaajo ahaa Mursal, oo isna Xildhibaan marka soo noqdey dhawaan.

Doorashadda Koonfur Galbeed ka socota waxay noqotay mid dad u qoran Fahad Yaasiin kusoo baxayay, iyadoo laga celiyay qof kastoo Mucaarad ku ah Farmaajo, oo aan codka siinaynin.

MW Lafta-Gareen kuma noqon Madaxweynaha Koonfur Galbeed rabitaanka shacabka iyo doorasho. Wuxuu ku yimid qori caaradiisa, isagoo ku fariistay kursi dhiig ku daatey Dec 2018.

Waxaa jira Maamullo kale oo Fahad doorashadooda isaga gacanta ugu jirta, waxaana kamid ah HirShabeelle iyo Galmudug, oo madaxda u talisa isaga dhisay, si lamid ah MW Lafta-Gareen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.