Madaxda suurta-gal ah inay ku jiraan liiska xayiraadda Mareykanka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in dadka ay xayiraadda safarka kusoo rogtay ay isagu jiraan Mas’uuliyiin hore iyo kuwa hadda xafiiska jooga, taasoo iftiimanaysa liiska KON heshay.

Warar Keydmedia Online
Madaxda suurta-gal ah inay ku jiraan liiska xayiraadda Mareykanka

MUQDISHO, Soomaaliya - Xog Keydmedia ka heshay Sirdoonka Soomaaliya iyo Saraakiil diblomaasi, ayaa sheegaysa in Madaxda uu Mareykanka xayiraadda saarey ay gaarayaan illaa 8, oo isagu jira kuwa hadda xilal haya iyo kuwa hore.

Shaqsiyaadka KON ay ogaatey inay ku jiri karaan liiska  waxaa kamid ah Farmaajo, Fahad Yaasiin, Xasan Cali Khayre, Qoor-Qoor, Lafta-Gareen, Saciid Deni, Saadaq Joon, Kulane Jiis iyo C/raxmana Dheere.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in dadka ay xayiraadda safarka kusoo rogtay ay isagu jiraan Mas’uuliyiin hore iyo kuwa hadda xafiiska jooga, taasoo iftiimanaysa liiska KON heshay.

Illaha diblomaasi ee KON la hadlay ayaa sheegay in Mareykanka liiska sababta uu u qiray ay tahay inuu rabo in doorashadda la dejdejiyo, hadii lagu qaban waayo waqtigii lagu heshiiyay, oo dib u dhac kale yimaado, uu shaacin doono magacyada.

Lama soo saaro warqada sumadeysan, illaa la hayo liiska magacyada shaqsiyaadka cunaqabateynta uu saaro Mareykanka, sidaas waxaa KON u sheegay Sarkaal katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo ka gaabsadey magaciisa, maadaama aan loo ogeyn inuu arintan xasaasiga ah kala hadlo warbaahinta.

Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu go’aankan xayiraadda Fiisaha kusoo beegmayo hal sano kadib markii waqtiga ka dhamaadey Farmaajo, taasoo micna-gaar ah xambaarsan, iyadoo laga dhadhansan karey in Farmaajo ku jiro liiska.

Cabsi badan ayaa gashay Siyaasiyiinta Soomaaliya markii qoraalka Mareykanka soo baxay, waxayna dardar geliyeen doorashadda, waxaana muuqata inay ka cararayso qof walba inuusan galin liiska madow, ee Mareykanka oo hadhow adag tahay inuu si fudud uga baxo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.