Mareykanka oo qirtay khasaaro shacab

Waa markii 3aad oo AFRICOM ay qirato in dad rayid ah lagu laayay howlgallada Soomaaliya, iyadoo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda ay ku eedeeyeen Mareykanka in si aan kala sooc lahayn u duqeeyo Al-Shabaab iyo Shacabka.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo qirtay khasaaro shacab

MUQDISHO, Soomaaliya - Militeriga Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan kiisas lasoo gaarsiiyay, oo la xiriira dad shacaba ah oo ku dhintay duqeymaha Soomaaliya.

April 2020, ayuu taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] billaabey inuu soo saaro saddexdii biloodba mar warbixin uu uga hadlayo khasaaraha shacabka, kadib markii uu cadaadis iyo cambaareyn kala kulmay hay'adaha xaquuqda aadanaha.

Sanadkii tagey, AFRICOM ayaa qirtay in labo shacab ah ay ku dhinteen Kuunyo-Barrow oo Shabeellaha Hoose katirsan, kadib duqeyn halkaas ay ku fuliyeen, oo bartilmaameedkeedu ahaa Kooxda Al-Shabaab.

Amnesty International waxay tiri tallaabada AFRICOM ee ah inay daabacdo warbixinno qiimeyn saddex-biloodle ah oo ku saabsan eedeymaha dhimashada dadka rayidka ah waa tallaabo la soo dhaweynayo oo loo qaadey dhanka cadaaladda.

Waxay hay'addu ka digtay in weerarada shacabka lagu gumaadayo in noqon doonaan dembiyo dagaal oo Maraykanka ka geysanayo Soomaaliya, oo aan ka jirin dowladda awood leh oo Ciidamada shisheeye kula xisaabtami karto tacadiyadda ay ku kacayaan.

Keydmedia Online ayaa dhawaan daabacday warbixin ku saabsan xog-aruurin ay ku sameysay khasaaraha rayidka. [akhri Maatadii Mareykanka laayay oo Magdhaw & Cadaalad helin]

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.