KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Mudo saddex maalin ayuu Wafdiga Rooble ku sugnaa magaaladda Qaahira, ee Caasimadda wadanka Masar oo kulamo ka sameeyay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa booqasho qaadatey saddex maalin ku bixiyay dalka Masar, isagoo Caasimada Qaahira kula kulmay dhigiisa dalkaas iyo mas'uuliyiin kala duwan.
Waxuu Rooble wadahadallo la qaatey dhigiisa Masar Sameh Shoukry, waxayna isla meel dhigeen qodobo dhowr ah oo ku qotoma xiriirka laba-geesoodka Soomaaliya iyo Masar oo lagu tilmaamey inuu yahay mid soo jireen ah.
Dowladda Masar ayaa u sameysay Rooble balan-qaadyo ay kamid yihiin kordhinta deeqaha waxbarashada ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.
Ujeedka Masar ugu yeertay Rooble weli ma cadda, laakiin waxay kusoo qaadaysaa xili El-Sisi ay is hayaan Abiy Axmed oo khilaaf xoog leh oo ku aadan Biyo-xireenka Webiga Nile u dhaxeeyo, iyadoo Farmaajo la saftay Itoobiya.
Maadaama Masar ay taageero ka heshay dalalka Jaamacada Carabta, waxaa la sheegay inay raadinayso mida Soomaaliya, si ay ugu adkaato dagaalka ay kula jirto Itoobiya oo Sudan ay qeyb ka tahay.
Rooble lama oga inuu wax ka bedelay mowqifkii Farmaajo ee ah in la taageero Itoobiya, maadaama Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaadey, islamarkaana ay Xukuumadiisa awoodda gacanteeda ku jirto hadda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.