Maxaa Doorashadda Gollaha Shacabka loogu wareejiyay Afisyooni?

Xildhibaan C/risaaq ayaa ah Gudoomiyaha Gudiga loo xil-saarey qabashadda doorashadda, waxaana uu sheegay in sababo amni ay uga carareen Villa Hargeysa.

Warar Keydmedia Online
Maxaa Doorashadda Gollaha Shacabka loogu wareejiyay Afisyooni?

MUQDISHO, Soomaaliya - Doorashadda gudoonka Gollaha Shacabka oo la filayo inay dhacdo 27-ka bishan, ayaa loo wareejiyay Afisyooni, oo ku dhegan Garoonka diyaaradaha Miqdisho.

Go'aankan ayaa yimid kadib markii ay soo baxdey cabsi amni, oo Xildhibaanada noloshooda khatar gashay 18-kii bishan, oo lagu weeraray hoobiyeyaal xili ay kasoo baxeen kulan wadajir ahaa.

Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa isku dayaya inay joojiyaan doorashadda, iyagoo diidan inuu dalka yeesho dowlad cusub oo looga baxo jahwareerka iyo nidaamka kaligii-taliska ee ka jiray tan iyo 2017.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa laga jarey qaboojiyaha, si aysan ugu shiran Xildhibaanada, iyadoo taas u dheertahay hoobiyeyaal lagu soo garaacayo, oo la khal-khal gelinayo nolosha Xildhibaanada.

Afisyooni waxaa amnigeeda ilaalinaya Ciidamo ka madax-banaan Farmaajo, oo la isku halleyn karo, inkastoo 14-kii bishan weerar hoobiye lagu qaadey xafladii dhaarinta Xildhibaanada cusub.

Gollaha Shacabka doorashadiisa waxay albaabka u fureysa in Madaxweyne cusub la doorto sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana la iska indha-tiray carqaladaha ka imaanaya MW hore Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa maalin walba qaadanaya shahaadooyinka, oo la dhaarinayaa, iyadoo geedo-socodkii dheeraa uu gabo-gabo marayo, oo dhowr kursi ay ku hartay maamulka HirShabeelle.

Baarlamaanka wuxuu ka kooban yahay 329 kursi, oo isagu jira 275 Gollaha Shacabka iyo 54 Aqalka Sare, waxay si wadajir ah u dooran doonaan Madaxweynaha. Mudada codbixinta wali lama cayimid.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.