Maxaa kasoo baxay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru?

Midowga Afrika ayaa cadaadis ku saarey labada Madaxweyne inay heshiis degdeg ah gaaraan khilaafka diblomaasiyasadeed, islamarkaana lagu soo celiyo xiriirka labad wadan.

Warar Keydmedia Online
Maxaa kasoo baxay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru?

JABUUTI - Madaxda Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiis hordhac ah ka gaareey khilaaf dalalkan ka dhaxeeya ee dhanka diblomaasiyasadda, kadib makii cadaadis ay kala kulmeen Midowga Afrika.

Moussa Faki Mahamat, oo ah gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika oo ka hadlayay Shirkii IGAD ee shalay ka furmay Jabuuti ayaa sheegay in xiisadda diblomaasiyasadeed ee Kenya iyo Soomaaliya uu ku hayo walaac wayn.

Wuxuu ka codsadey Farmaajo iyo Uhuru inay heshiis ka gaaraan muranka ka dhex taagan dalalkooda, maadaama aysan kala maarmin islamarkaana ay yihiin deris isku baahan, oo shacabkooda isku tiirsan.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Abiy Axmed ayaa sidoo kale la kulmay labada dhinac, islamarkaana ku booriyay inay wadahadal gaar ah yeeshaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo xiisadda lagu dhameynayo.

Waxaa lagu wadaa in marka uu Farmaajo dalka dib ugu soo laabto inuu ku dhawaaqo go'aan ku aasab inuu dib usoo celiyay xiriirkii Kenya, islamarkaanka u diro Safiirka Soomaaliya magaaladda Nairobi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.