Maxaan ka ognahay bartilmaameedka Qaraxii Muqdisho?

Waxaa ku dhimatay labo qof oo shacab ah, kuwaasii jidka socday xiliga qaraxa, iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale oo Isbitaalka Madiina la dhigay.

Warar Keydmedia Online
Maxaan ka ognahay bartilmaameedka Qaraxii Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay cida ay ahayd bartilmaameedkeeda qaraxii Maanta ay ka fulisay Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Banaadir.

Qoraal ay soo saartey Kooxda ayay ku sheegtay inay ku beegsatay qaraxa labo Sarkaal oo Mareykanka ah, kuwaasoo la shaqeeya Shirkad dhanka loojistikadda ka shaqeysa oo lagu magacaabo Pacific Architects and Engineers, LLC.

Al-Shabaab ma aysan sheegin cida ay ku dishay ama ku dhaawacday weerarka, laakiin illo madax-banaan waxay xaqiijiyeen in labo qof oo shacab ah ay ku dhimatay, qaarna ku dhaawacmeen, iyadoo goobta lagu arkay burbur soo gaarey mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM.

Kolonyada AMISOM waxay kasoo baxday Villa Baydhaba, oo ah saldhiga militeri oo Ciidanka dowladda ku leeyihiin Xaafadda Buula-Xuubey, waxaana markii ay kusii jeedeen dhanka Isgoyska Banaadir qabsadey qarax loo adeegsadey Gaari NOAH ah oo jidka kusii sugeysay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay AMISOM, oo ku aadan qaraxa, oo noqonaya midkii 2aad oo Maanta gudaheeda ka dhacay Caasimadda dalka, iyadoo dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen weerarada Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.