Maxay Qatar xiligan Farmaajo ugu casuuntay Doha?

Doha waxay diyaarsisay shaxda uu mar labaad Farmaajo kusoo laaban lahaa, iyadoo dhaqaalo malaayiin dollar ah u diyaarisay si uu codad ugu iibsado doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Maxay Qatar xiligan Farmaajo ugu casuuntay Doha?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah u ambabaxay magaalada Doha ee dalka Qatar, oo booqasho labo maalin qaadan doono ku bixin doono.

Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa lagu shaaciyay safarka Farmaajo, iyadoo aan warbaahinta dowladda Soomaaliya, oo xiligan laga maamulo Xafiiska RW Rooble aysan waxba ka qorin.

Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa Axada berri ah kula kulmi doona Farmaajo qasriga Amiri Diwan, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa, iyo arrimo dhowr ah oo khuseeya danaha guud,' ayay QNA qortay.

Safarka Farmaajo ee Doha fahfaahin kama bixin Xafiiska Madaxweynaha, waxaana uu yahay mid qarsoon ujeedkiisa, iyadoo lagu soo beegay xili soo dhawdahay doorashadda Madaxtinimada dalka.

Macluumaad Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in Doha la wadaagayso Farmaajo shaxda uu mar labaad kusoo laaban lahaa iyo dhaqaale u diyaarisay inuu codad ku iibsado doorashadda.

Qatar ayaa saameyn ku lahayd labadii doorasho ee ugu dambeysay dalka, 2012 oo Xasan Sheekh kusoo baxay iyo 2017 oo Farmaajo la doortay, waxayna rabtaa mida 3aad inay gacanta ku dhigto.

Imaaraadka ayaa sanadkan isna wata Musharixiinta ay rabto inay soo saarto, iyadoo dagaal kula jirta Qatar, oo Fahad u joogo Muqdisho. Labadan dowladood ayaa fareglin ku hayaan doorashadda.

Bishii hore, Rooble ayaa booqdey Imaaraadka, oo uu xiriirkooda dib usoo celiyay, waxaana safarkiisa uu yimid kadib markii uu sheegay inuu fasixi doono $9.6 milyan oo lagu qabtay Garoonka Aadan Cadda April 2018, lacagtaas oo ku jirta Bangiga Dhexe.

MW hore Farmaajo ayaa diiday in Imaaraadka loo celiyo lacagtan, isagoo ku raali-gelinaya dowladda Qatar oo ka cabsi qabta in loo adeegsado doorashadda, taasoo iyada dhabar-jab ku noqonaysa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.