Maxay Rooble iyo CC Shakuur uga wada hadleen Kulanka ay yeesheen?

Rooble ayaa sheegay in uu diyaar ugu yahay inuu la fariisto dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka, si uu uga dhageysto talooyinkooda, loona sii ambaqaado qabsoomidda doorasho loo dhanyahay.

Warar Keydmedia Online
Maxay Rooble iyo CC Shakuur uga wada hadleen Kulanka ay yeesheen?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay galab xafiiskiisa ku qaabilay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxay kawada hadleen qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan xafiiskiisa kulan ku yeelanay Raysalwasaaraha DF, mudane Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan ka wada hadalnay tabashada doorashooyinka ee la xariira guddiyada, arrinta Somaliland iyo Gedo. Wuxuu balanqaaday in uu diyaar u yahay xalinta tabashooyinka iyo xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda. Waxaan kalooo ka wada hadalnay xorriyada ololaha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada, si wadajir ahna looga shaqeeyo xasiloonida dalka," ayuu yiri CC Shakuur.

Waa kulankii labaad oo Rooble iyo hogaamiyaha Wadajir ay yeeshaan tan iyo September 2020, waxaana jirin wax ka dhaqan-galay qodobadii ay ku heshiiyeen, maadaama Ra'iisul Wasaaraha uusan awoodin inuu hirgeliyo go'aan aysan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ku qanacsanayn.

Rooble ayaa ku fashilmay inuu socod-siiyo siyaasadda Xukuumadiisa, maadaama uu yahay shaqsi aan u madax-banaaneyn go'aanada uu qaadanayo, iyadoo taasi dib u dhigtay waqtigii doorashadda, islamarkaana sii daba-dheeraysay khilaafka siyaasadeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.