Maxay Soomaaliya ku diiday in AMISOM lagu bedelo Ciidan UN?

AMISOM oo mudo 14 sano ah dalka ka howlgalaysay ayaa waqtigeeda ku eg December 2021, waxaana la filayaa inay baxaan.

Warar Keydmedia Online
Maxay Soomaaliya ku diiday in AMISOM lagu bedelo Ciidan UN?

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa diiday soo jeedin ka timid Midowga Afrika oo ku aaddanayd in Ciidamada AMISOM loo rogo hawlgal isku dhafan, oo UN-ka qeyb ka yahay.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay Gudiga Nabada iyo Amniga Midowga Afrika inuu ku xad-gudbay Madaxbanaanida dalka.

Waxay Soomaaliya ugu baaqday Midowga Afrika inuu ixtiraamo rabitaanka dalka oo ah in marka AMISOM baxdo, mas'uuliyadda amniga lagu wareejiyo Ciidanka qaranka [SNA].

 Qoraalka ayaa lagu sheegay inay jirto koox farsamo oo wada jir ah oo loo abuuray inay qiimeeyaan ikhtiyaarka ugu fiican ee dalka oo uga maarmi karo joogitaanka AMISOM.

“Dowladda Soomaaliya) waxay welwel weyn ka muujineysaa faragelinta Midowga Afrika ee madaxbannaanida dalkeeda, dhowrista dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed iyadoo si isdaba joog ah u waddo ajendo wax u dhimaya xuquuqda aasaasiga ah ee dowlad xubin ka ah AU-da,” Wasaaradda ayaa sheegtay sidaas.

Wasaaraddu waxay sheegtay in illaa 2023 -ka ay rajaynaysay in Ciidamadeeda dalka ay noqdaan kuwo ku filan inay la wareegaan amniga oo dhan, inta ka horeysana loo sii diyaariyo.

Kadib markii Midowga Yurub jaray dhaqaalaha AMISOM, ayaa Gudi qubaro ah oo AU-da ka socda soo jeediyay in la bedelo koofiyadda askarta, loona geliyo mid UN iyo AU ah.

Soomaaliya ayaa noqotay mashruuc ay usoo shaqo tagaan askarta dalalka deriska, iyadoo askari kasta la siiyo mushaar ahaan bishii $1,200 halka midka Soomaaliya uu la'yahay $200.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.