Maxay tahay cabsida laga qabo Ciidanka Biden usoo dirayo Soomaaliya?

Bishii ugu dambeysay ee uu xilka madaxtinimada, Trump ayaa amar ku bixiyay ku dhawaad 700 oo askari oo Mareykan ah inay ka baxaan Soomaaliya oo ah dalka ku yaalla Bariga Afrika, iyadoo la joojiyay duqeymihii drones-ka iyo tababarka Danab.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay cabsida laga qabo Ciidanka Biden usoo dirayo Soomaaliya?

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii maalmo kahor Biden uu saxiixay in Ciidamo Mareykanka oo gaaraya illaa 450 oo askari lagu celiyo Soomaaliya, waxaa soo baxaya digniino laga soo saarayo duqeymaha ay ka fulin doonaan dalka.

Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu ka taxadiro dhibaatada dadka shacabka kasoo gaari karta duqeymaha, islamarkaana ay taxadir muujiyaan Ciidanka xiliga howlgallada.

“Hawl-galladii hore ee Ciidamada Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya waxay sababeen khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray dad rayid ah oo Soomaaliyeed, taas oo Mareykanku aanu ka bixin wax magdhow ah ama garowshiyo," ayaa lagu yiri warbixinta kooxda xuquuqul insaanka.

Ciidanka Mareykanka ayaa tan iyo 2007 howlgallada militari oo ka dhanka ah Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida ka wadey Soomaaliya, kuwaasoo ay ku dhinteen dad badan oo aan waxba galabsan, oo cidna wax iska waydiin dhimashadooda.

Bishii ugu dambeysay ee uu xilka madaxtinimada, Trump ayaa amar ku bixiyay ku dhawaad 700 oo askari oo Mareykan ah inay ka baxaan Soomaaliya oo ah dalka ku yaalla Bariga Afrika, iyadoo la joojiyay duqeymihii drones-ka iyo tababarka Danab.

Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch, ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta Maraykanku ay tahay inay "aad u caddeeyaan sida ciidamadoodu uga fogaanayaan inay waxyeello u geystaan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed marka ay socdaan howlgallada militari."

"Waxay u baahan doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan mas'uuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika si ay uga fogaadaan inay ku soo noqdaan sharciyadii hore ee ku-xad-gudubyada dagaalka oo ay si degdeg ah oo habboon uga jawaabaan khasaaraha rayidka," ayay carrabka ku adkeysay.

Kooxda xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in ay diiwaan gelisay laba weerar oo cirka ah oo uu Mareykanku qaaday bilihii February iyo March 2020 "kaas oo lagu dilay toddobo qof oo rayid ah taas oo u muuqata in ay ku xad gudubtay shuruucda dagaalka."

"Iyadoo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay qirteen mas'uuliyadda dhacdadii Febraayo 2, oo ay ku dishay haweeney ayna ku dhaawacmeen labo gabdhood oo walaalaheed ah, oo labaduba caruur ah, iyo ayeeydeed, midkoodna ma helin magdhow," ayaa lagu yiri warbixinta.

HRW waxay ku boorisay millatariga Maraykanka "inay saxaan koorsada oo ay xaqiijiyaan inay si dhab ah u qaataan dhammaan eedeymaha waxyeelada rayidka ah, oo ay si dhab ah u baaraan.".

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.