KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Shalay ayay ku ekayd mudo-xileedka dastuuriga Lafta-Gareen, waxaana Maanta kadib ugu fadhiyaa kursiga si sharci-darro ah, ayuu yiri Mursal.
MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Mursal, gudoomiyihii hore ee Gollaha Shacabka ayaa baaq u diray Madaxweyne Lafta-Gareen, oo hadda ku furmeen mowjado isbedel doon ah.
Mursal ayaa uga digay Lafta-Gareen inuu ka abuuro Koonfur Galbeed jawi colaadeed, oo keeni kara burbur iyo barakac.
Xukunka inuu si nabad ah ku wareejiyo, oo uu qabto doorasho loo dhan yahay, oo xor iyo xalaal ah ayuu ugu baaqey Lafta-Gareen.
Shalay Baydhabo waxaa kulan ku yeeshay Saraakiil Ciidan, oo ku dhawaaqay Gollaha Badbaado Koonfur Galbeed, kuwaasoo wacad ku maray inay kahor tagi doonaan mudo-korarsiga Lafta-Gareen.
Dabeyshii isbedel doonka Muqdisho xukunka looga tuurey Farmaajo mid lamid ah ayaa ka billaabatay Baydhabo.
Siyaasiyiin ay ku jiraan Shariif Sakiin, Mursal iyo Roobow ayaa Muqdisho ka shaqeynaya sidii Lafta-Gareen xukunka looga tuuri lahaa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.