Maxay Xasan Sheekh iyo Xamza ka yiraahdeen Xaaladda Somaliland?

In ka badan shan qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen rabashadaha Somaliland, iyadoo in ka badan 100 kale ay dhaawacmeen, kuwaasoo boolis ay ku jiraan.

Warar Keydmedia Online
Maxay Xasan Sheekh iyo Xamza ka yiraahdeen Xaaladda Somaliland?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Xamza, ayaa baaq ku saabsan xasilloonida, nabadda iyo wadajirka u diray hoggaanka siyaasadda iyo bulshada Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqey madaxda siyaasadda iyo dhaqanka Somaliland inay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka keenay rabshadaha socda, isagoo intaasi ku daray inay dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay caawiso.

Walaaliyaal waxaad caan ku tihiin inaad wada-hadashaan, ammuurihiinana xalisataan adinka oo kaliya, Soomaalida inta meel fariisato oo heshiin karto mithaal [tusaale] ayaan adiin soo qaadanaa, waxaan adinka digaynaa inaad gaartaan meel dibadda la adinka soo farageliyo," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xasuusiyay Somaliland inay haysato nabad iyo kala-dambeyn, qiimaheeda uu garan karo cida ay ka maqan tahay, isagoo ku booriyay Muuse Biixi iyo Mucaaradka in ay miiska wadahadalka ku dhameeyaan is-mari-waagga taagan.

Dhankiisa, Ra'iisul Wasaare Xamza ayaa baaq kaas lamid ah u diray madaxda kala duwan ee Maamulka Somaliland, waxaana uu muujiyay inuu aad uga xun yahay rabshadaha socda.

Aniga oo ka xun rabshadihii ka dhacay magaalooyinka Somaliland qaarkood — waxaan baaq nabadeed u dirayaa masuuliyiinta iyo shacabka si xal nabadeed oo deg deg ah loogu raadiyo wixii tabashooyin ah ee jira. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, Inta dhaawaca ahna Alle ha u boogo dhayo," ayuu yiri Xamza.

Si kastaba, Somaliland ayaa u muuqata inay dagaal foolanayso, oo Mucaaradka hubka qaadan doonaan, mar hadii Muuse Biixi uu muujin waayay wax tanaasul ah iyo inuu caddeeyo in doorashadda ku qabanayo waqtigeeda, November 13.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.