Midowga Afrika oo kahor yimid cayrinta Madeira

Warar ayaa sheegaya in RW Abiy Axmed uu ku cadaadiyay Midowga Afrika inuu la shaqeeyo Farmaajo, oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeya Rooble.

Warar Keydmedia Online
Midowga Afrika oo kahor yimid cayrinta Madeira

ADDIS ABABA - Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa kahor yimid War-Saxaafadeed dhawaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaasi oo dalka looga eryay Danjire Francisco Madeira.

Moussa wuxuu taageeray warqadda ku taariikhaysan 7 Abriil 2022 ee uu soo saarey Farmaajo, oo lagu diiday go'aanka Rooble, isagoo dhanka kale caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii wadi doonto wada shaqeynta Danjire Madeira iyo howlgalka cusub ee ATMIS.

Guddoomiyuhu wuxuu xaqiijiyay kalsoonida buuxda ee uu u qabo Ambassador Madeira, oo Rooble ku tilmaamay nin aan looga baahnayn dalka, islamarkaana loo qabtay 48 saac inuu uga baxo.

Moussa wuxuu ku celiyay sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadista dadaalka ay ku taageerayaan Soomaaliya dhanka soo celinta nabad waarta, amni iyo xasillooni.

Warar ay KON heshay ayaa sheegaya in RW Abiy Axmed uu ku cadaadiyay Midowga Afrika inuu la shaqeeyo Farmaajo, oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeya Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.