Muranka Soohdinta Badda: Gari laba nin kama wada qosliso

Soomaaliya waxay doonaysaa in ICJ ay caddeyso cida leh badda, iyadoo la tixraacayo xuduudii ay sameysa Qaramada Midoobey ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda iyo xeerarka kale ee caalamiga.

Warar Keydmedia Online
Muranka Soohdinta Badda: Gari laba nin kama wada qosliso

Maalinta Talaadada Todobaadkan, Maxkamadda ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay ee ICJ ayaa lagu wadaa inay go'aan kama dambeys ah ka gaarto dacwadda soohdinta badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, kaddib sannado badan oo dib u dhac ah, taasoo xumeysay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee deriska ah.

Kenya ayaa durba billowday baroor iyo ballaayo hurin, iyadoo dolwadda Uhuru sheegeen inaysan aqoonsan doonin go'aanka Maxkamadda, islamarkaana ay difaacanayso "badeeda".

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa si cad u sheegay inaysan u hogaansami doonin go'aanka la filayo inuu kasoo baxo Maxkamadda ICJ. [Halkan kasii akhri].

Muranka u dhexeeya labada dal ee ku yaalla Bariga Afrika wuxuu salka ku hayaa is -maandhaaf ku saabsan jihada loo cabirayo xuduuda kala qeybisa badweynta Hindiya.

Soomaaliya waxay ku doodeysaa in soohdinta badda loo dhigo koonfur -bari, lana dhereriyo soohdinta dhulka. Laakiin, Kenya taasi ma rabto, waxay soo jeedisay in loo cabiro dhanka xeebta, xagal 45-digrii ah. Tani waxay Kenya siinaysaa fursad ay ku hesho qayb weyn oo ka mid ah aagga badda, ee ku jira shidaalka.

Marka laga reebo kalluumeysiga, aagga lagu muransan yahay - qiyaastii 100,000 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran - waxaa loo malaynayaa inuu hodan ku yahay saliid iyo gaas, iyadoo labada dalba midba kan kale ku eedeynayo inuu xaraashay baloogyo shidaal kahor xukunka Maxkamadda ICJ.

Kenya waxay ku adkaysanaysaa inay lahayd aagga la isku haysto tan iyo 1979 -kii. Labada dal ayaa 2009 ku heshiiyay in murankooda lagu dhameeyo wada xaajood laba geesood ah.

Laba shir ayaa la qabtay 2014kii, laakiin horumar yar baa la sameeyay. Wareeggii saddexaad ee isla sannadkaas ayaa fashilmay markii wafdiga Kenya ay imaan waayeen Muqdosho, iyaga oo aan ku wargelin dowladii Xasan Sheekh, markii dambe waxay sabab uga dhigeen arrimo amni.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay aragtay caga-jiidka iyo qorshaha Kenya, ayaa waxay Maxkamad u gudbisay dwacad 2014 -kii kadib markii ay sheegtay in isku daygii diblomaasiyadeed ee lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka aysan mira-dhalin.

Kiisaska ICJ ay go'aamiso ee murannada u dhexeeya dawladaha waxay socon karaan sannado badan. Maxkamadda ma lahan awood fulineed oo waddammada lagu qasbo inay u hogaansamaan xukunnadeeda. Si kastaba, waxaa la arki doonaa diidmada Kenya meesha ay ku dambeyso.

Kenya waxay saldhig ka dhisatay gobolka Lamu, ee marta badda lagu muransan yahay, waxayna geystay Ciidamo badan oo kuwa badda ah, iyadoo tallaabadan u muuqata mid looga hortago go'aanka ICJ. Ma lahan Racfaan go'aanka Maxkamadda, waa kama dambeys.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.