Musharixiinta Mucaaradka oo cabsi ka qaba amnigooda

Drones-ka la qabtay waxay keeneen walaac iyo cabsi badan, oo laga qabo in Fahad Yaasiin u adeegsado shirqoollo dilal ah oo ka dhan ah Mucaaradka.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta Mucaaradka oo cabsi ka qaba amnigooda

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax C/raxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Mucaaradka ay walaac ka muujinayaan diyaaradihii 3-dii bishan lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu CC Warsame ku sheegay inay dalbanayaan sharaxaad dheeraad ah, oo ku saabsan nooca drones-ka la qabtay iyo halka ay kusii jeedeen.

Wuxuu sheegay in drones ku xiran gantaallo lagu weeraray shalay hoyga uu Baqdaad ka degan yahay Ra'iisul wasaaraha dalka Iraq Mustafa Al-Kadhimi, kaasoo la isku dayay in la dilo.

Maadaama xili doorasho oo xasaasi ah la galay, waxay Musharixiinta galeen feejignaan dheeri ah, iyagoo marwalba isha ku haya Villa Somalia, oo looga soo maleegi karo shirqoollo.

Diyaaradaha drones-ka waxay gaarayaan lix xabo, waxaana keenay dalka Xildhibaan hore Zakariye Xaaji Cabdi, oo kasoo iibsadey dalka Turkiga, waxaana Garoonka ku qabtay NISA.

Fahad Yaasiin ayaa la wareegay hadda diyaaradaha, sida KON xogta ku helayso, waxaana dadka ku xeeldheer amniga sheegeen in diyaaradaha lagu fulin karo weeraro gaar ah.

Tani ayaa keentay inuu CC Warsame walaaciisa la wadaago bulshadda. Farmaajo iyo Fahad ayaa dhagar ku howlan, waxayna wado kasta u marayaan inaan looga adkaan doorashadda.

Farmaajo iyo Fahad horey ayay u weerareen guryaha ay degan yihiin Musharixiinta Mucaaradka, iyadoo lagu dhaawacay CC Warsame oo la isku dayay in la dilo labo sano kahor.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.