Musharixiinta Mucaaradka oo Heshiis raadinaya

Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan ismariwaa siyaasadeed oo dib u dhigay jadwalka doorashada iyadoo hogaamiyaasha ay isku fahmi waayeen gudiga doorashada iyo Gedo oo laf dhabar u ah muranka.

Warar Keydmedia Online
Musharixiinta Mucaaradka oo Heshiis raadinaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharixiinta Mucaaradka ee Soomaaliya waxay ku baaqayaan kulan deg deg ah oo ay la yeeshaan Farmaajo, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, iyadoo la isku dayayo in la xaliyo caqabadaha doorashada.

Gollaha Murashaxiinta waxay doonayaan in shirka lagu qabto shuruudo adag, oo ay ka mid tahay in Farmaajo uu ka qaybgalo isagoo murashax ah oo aan sheeganaynin Madaxweyne, maadaama mudo-xileedkiisu ku ekaa 8dii bishan.

Musharixiinta waxay Arbacadii shalay sheegeen in loo baahan yahay in la xaliyo arrimaha khilaafka ka jira, ee hirgelinta heshiiskii doorashada 17kii Sepember, oo ay wada-galeen Farmaajo iyo Maamullada.

Gollaha oo ay hogaaminayaan Madaxweyniyaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa waxay sheegeen in kulanka noocaas ah loo baahan yahay in lagu qabto Muqdisho, oo aan lala aadin meel kale.

Soo jeedintaas waxaa taageeray Puntland iyo Jubbaland, oo ka codsaday Farmaajo inuu shirka u wareejiyo Muqdisho oo ay ka qaybgalaan Beesha Caalamka, xisbiyada siyaasada iyo bulshada rayidka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan ismariwaa siyaasadeed oo dib u dhigay jadwalka doorashada iyadoo hogaamiyaasha ay isku fahmi waayeen gudiga doorashada iyo Gedo oo laf dhabar u ah muranka.

Laakiin dooda ugu dambeysa waxay ku saabsan tahay in Farmaajo wali sharci ahaan xafiiska joogo iyo in kale. Dastuurku wuxuu leeyahay mudada madaxweynenimada waxay qaadaneysaa afar sano oo ka bilaabanta maalinta madaxweynaha cusub la dhaariyo.

Baarlamaanka labada aqal ayaa bishii September 26 ee sanadkii hore sheegay in dhammaan hay’adaha dowliga wali sii joogi doonaan xafiiska illaa inta laga dooranayo lana dhaarinayo cidda beddeli doonta.

Laakiin xitaa haduu Farmaajo sii ahaado Madaxweynaha, kuwa ka soo horjeedaa waxay umuuqdaan inay ka go'an tahay inay meesha ka saaraan saameynta uu leeyahay, asal ahaan waxay rabaan inuu noqdo qof caadi ah.

C/raxmaan C/shakuur oo ah hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, kana mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ayaa yiri “Farmaajo ma haysto awood dastuuri ah, oo uu ku qabto shir heer qaran ah”.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.