Muuse Biixi oo gaarey Kenya

Boqoashadda Muuse Biixi ayaa la sheegay inay qaadan doonto mudo 3 maalmood.

Warar Keydmedia Online
Muuse Biixi oo gaarey Kenya

NAIROBI, Kenya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa Maanta gaarey magaaladda Nairobi, ee Caasimadda dalka Kenya.

Waxaa Wafdiga hogaamiyaha Somaliland Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Saraakiil sare oo uu kamid yahay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ababu Namwamba.

Booqashadda Muuse Biixi ayaa lagu soo beegay xili Kenya iyo dowladda Federaalka u dhaxeeyo khilaaf diblomaasiyasadeed oo cirka isku sii shareeyay kadib markii bishii lasoo dhaafay Farmaajo kasoo ceyriyay Muqdisho safiirka Kenya, Lucas Tumbo.

Booqashadda Muuse Biixi ay qaadan doonto 3 maalmood, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo casuumaad u fidiyay inuu Kenya booqasho ku tago.

Kenya ayaa xafiis diblomaasi ka furatay Somaliland, iyadoo Nairobi u ogolaatay in mid kaas lamid ah Maamulka Muuse Biixii ka furto, waxaana labada dhinac sameyanayaan wadashaqeyn aad u dhaw, oo xukuumadda Nairobi ku colaadinayso Muqdisho.

Booqashadda Muuse Biixi ayaa sii kala fogeynaysa xiriirka dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, oo meeshii ugu hooseysay hadda maraya, waxayna labada dal qarka u saaran yihiin inay Safaaradaha kala qaataan. [Halkan ka akhri warbixin]

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.