Muuse Biixi oo la kulmay Raila Odinga

Socdaalka Muuse Biixi oo 3 maalmood qaadanaya ayaa ujeedkiisu yahay inuu Somaliland aqoonsi uga raadiyo dowladda Kenya, oo xubin ka ah UN-ka.

Warar Keydmedia Online
Muuse Biixi oo la kulmay Raila Odinga

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Nairobi kula kulmay hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga, oo ah gudoomiyaha ODM, ahna Sarkaal AU katirsan.

"Waxay ii ahayd farxad inaan kulan kula yeesho magaalada Nairobi saaxiibkeena weyn, Raila Odinga... Waxaan ka wada hadalnay mowduucyo kala duwan oo ku saabsan amniga iyo horumarka gobolka," ayuu ku yiri Muuse.

Waajibaadka Raila ee AU waxaa ka mid ah abaabulka taageero siyaasadeed oo dheeri ah oo ka timaadda dowladaha xubnaha ka ah iyo bulshooyinka dhaqaalaha gobolka Geeska Africa, oo Soomaaliya ku jirto.

Muuse Biixi ayaa shalay Madaxtooyadda Nairobi kula kulmay Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya oo markii hore Casuumaad u fidiyay inuu booqdo dalkiisa, wuxuuna usoo dhaweeyay si heerkeeda hooseeyo.

Ma jirin calanka Somaliland in la baal-suray midka Kenya, waxaana ka muuqday goobta lagu kulmay calanka dalka Kenya oo kaliya, iyadoo arintaas ay muujinayso in xukuumadda Nairobi ak fogaanayso wadan kale inay madax-banaanidiisa dhaawacdo.

Muuse Biixi ayaa booqashiisa kusoo beegan tahay xili xiriirka Soomaaliya iyo Kenya meel xun marayo, waxaana isagoo jooga Nairobi ay dowladda Federaalka ku dhawaaqday xalay saqdii dhexe inay xiriirka u jartay Kenya.

Maamulka Somaliland ayaa mudo 30 sano ah raadinaya aqoonsi caalami ah, balse kuma guuleysan in xitaa hal dal ictiraafo, maadaama aduunka aqoonsan yahay Soomaaliya inay tahay hal wadan oo xubin ka ah QM.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.