Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Turkiga

Baashe ayaa dhawaan yimid Turkiga, isagoo kusoo wajahnaa dalka Kenya. Marxuumka wuxuu la dhashay Wasiirkii hore ee Dastuurka xukuumaddii Khayre Cabdi Xoosha Jibriil, oo geeriyoodey March 2019.

Warar Keydmedia Online
Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Turkiga

ISTANBUL - Waxaa magaaladda Istanbul lagu dilay Baashe Xoosh Jibriil, oo ah Soomaali haystay dhalashadda Canada, wuxuuna dilkiisa noqonayaa mid kusoo beegmay xili Soomaalida ay soo wajahdey dhibaatooyin cusub gudaha dalka Turkiga.

Baashe ayaa dhawaan yimid Turkiga, isagoo kusoo wajahnaa dalka Kenya. Marxuumka wuxuu la dhashay Wasiirkii hore ee Dastuurka xukuumaddii Khayre Cabdi Xoosha Jibriil, oo geeriyoodey March 2019.

Sida ay muujiyeen muuqaallo CCTV qabatay, Baashe ayaa waxaa jidka u istaagey saddex dhalinyaro ah, oo burcad ahaa, kuwaasoo mid kamid ah gadaal uga yimid kadibna qoorta wax uga dhuftay, isagoo kadibna dhulka ku dhacay.

Waxay ka qaateen taleefoonka gacanta iyo waxyaabo kale oo jeebkiisa kala baxeen. Baashe ayaa jugtiisa ku dhacdey u geeriyoodey, iyadoo booliska Istanbul ku guuleysteen inay soo qabteen kuwii falkan geystay.

Qoyskiisa iyo saaxiibadiisa ayaa aad uga welwelay kadib markii laga qaban waayay taleefonkiisa oo ay waceen markii uu diyaaraddii uu ku qornaa uusan soo raacin Isniintii hore, oo laga sugayay Nairobi.

Sida ay sheegeen dadkii goobjooga ahaa, saddexda nin ayaa raacey Tax markii ay dhaca u geysteen Baashe oo 52 jir ahaa, waxaana goobta isagaa yaalla ambulance ugu wacay nin Dhakhtar Iran kasoo jeeda, oo jidka marayay.

Dhacdadan waxay ka dhacday xaafadda Beyoğlu oo Istanbul katirsan, taasoo caan ku ah dadka ajaaniibta ah ee dalxiiska u yimaada, waana meel xigta dhinaca Yurub marka magaaladda labo loo kala qeybiyo.

Booliska ayaa xiray saddex nin, labada jidka ka xirtay iyo midka gadaal uga yimid ee Baashe qoorta wax uga dhuftay, kaasoo lagu soo oogey dembi dil bareer ah halka labada kale lasoo daayay maadaama falka ay geysteen uu dhac kaliya ahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.