Muxuu Farmaajo dib ugu dhigayaa magacaabista Ra’iisul Wasaaraha?

Mursal iyo Muudey oo xulufo la ah Madaxweynaha ayaa hakiyay wixii kulamo ahaa oo Gollaha Shacabka yeelanayay wixii ka dambeeyay markii la riday Xukuumadii uu hogaaminayay Xasan Cali Khayre 25-kii bishii July ee lasoo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Farmaajo dib ugu dhigayaa magacaabista Ra’iisul Wasaaraha?

MUQDISHO, Soomaaliya - Keydmedia Online ayaa ogaatay in sababta uu Madaxweyne Farmaajo dib ugu dhigayo magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub ay tahay inuu la sugayo illaa heshiis dhameystiran ay dowladiisa iyo Maamul Goboleedyada ka gaarayaan doorashadda, oo dhinacyada ka maqnaa Shirkii Dhuusamareeb 3 laga qancinayo.

Mudo ka badan hal bil ayuu dalka yahay Ra'iisul Wasaare la'aan, iyadoo aan jirin Xukuumad sharciyad ku fadhisa oo howlaha qaranka ka shaqeysa, waxaana sidoo kale joogsatay shaqadii Baarlamaanka wixii ka dambeeyay markii la riday Xasan Cali Khayre 25-kii July.

Farmaajo ayaa daahinayaa ku dhawaaqista Ra'iisul Wasaaraha, isagoo dilayo waqtiga doorashada, oo labo bilood ka hartay, waxayna u muuqataa qorsho uu ku raadinayo mudo korarsi sharci-darro ah, oo ay diideen Xisbiyadda, Maamullada iyo Beesha Caalamka.

Waxay Madaxweynaha ku qaadatey 14 maalin inuu Khayre ku magacaabo Febuary 2017, laakiin hadda in ka badan 30 maalin uusan magacaabin Ra'iisul Wasaare dalka gaarsiiya doorasho xor iyo xalaal ah, oo loo dhan yahay waqtiga ka harsan mudo-xileedka Dowladda.

Maalmaha soo socda, waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay kulmaan Farmaajo iyo Madaxda Maamullada, oo ay ku jiraan kuwa Jubaland iyo Puntland oo dhawaan aqbalay inay wadahallada ay Beesha Caalamka garwadeenka ka tahay inay ka qeybgalaan, kuwaasoo lagu dhameystirayo heshiiskii Dhuusamareeb.

Soomaaliya waxay taagan tahaya Wado Isgoyska ah [Cross-road], lama oga halka ay aadi doonto markuu dhamaado waqtiga Farmaajo, iyadoo hadii aan la qaban doorashadda islamarkaana xukunka si nadiif ah lagu kala wareegin ay dhici karto inuu dalka galo fowdo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.