Muxuu Farmaajo kala hadlay Xoghayaha Difaaca UK?

Booqashadda Ben Wallace ee Villa Somalia waxaa ku wehelinayay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Farmaajo kala hadlay Xoghayaha Difaaca UK?

MUQDISHO, Soomaaliya -  Ben Wallace oo ah Xoghayaha Difaaca dalka Ingiriiska ayaa maanta booqasho aan horey loo shaacin ku tagey Muqdisho, wuxuuna la kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka waxaa wehelinayay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender kulanka uu la qaatey Madaxweyne Farmaajo kaasoo sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka difaaca Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji.

Waxay Wafdiga UK kala hadleen adkeynta iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga iyo la dagaallanka argagixisada, oo dowlado badan ay ku lug leeyihiin, kuwaasoo Mareykanka uu hogaaminayo.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta amniga dalka iyo ciribtirka Argagixisada Alshabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibbadeeda caalamka ee ay UK ka mid tahay. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadidda tababarrada iyo hannaank dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.”

Dhankiisa, Ben Wallace ayaa bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Ingiriiska ayaa saldhig military ka sameystay Baydhabo sanadkii tagey, kaasoo uu ku tababaro Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed, waxayna qeyb ka tahay dedaallada lagu caawinyo DF dib u dhiska xoogga dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.