Muxuu James Swan kala hadlay Lafta-Gareen?

Socdaalka Wafdiga Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa imaanaya maalin kadib markii ay Beesha Caalamka taageertay hanaanka doorasho ee uu wado Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Muxuu James Swan kala hadlay Lafta-Gareen?

BAYDHABO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo James Swan, oo ah Wakiilka QM u fadhiya Soomaaliya ayaa Maanta wadahadal kula yeeshay Baydhabo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/Casiis Lafta-Gareen iyo Gollaha Wasiiradda.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee diiradda lagu saarey kulanka waxaa kamid ah arrimaha diyaasadda dalka, gaar ahaan khilaafka doorashadda, gargaarka bini'aadanimo iyo horumarinta degaanka Koonfur Galbeed.

Swan ayaa ku celiyay baaqiisa ahaa in is-faham laga gaaro khilaafka doorashadda, islamarkaana laga wada shaqeeyo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay, oo xor iyo xalaal ah.

Lafta Gareen ayaa Wafdiga QM uga mahadceliyay booqashada, wuxuuna u sheegay in Maamulkiisa diyaar u yahay heshiis laga gaaro muranka doorashadda, islamarkaana dhex-dhexaadin u sameynayo dhinacyada iska soo horjeeda, DF iyo Musharixiinta.

Jubbaland iyo Puntland ayaa diiday inay doorashadda ka qeybqaataan inta laga bedelayo gudiyadda, ee aan dhexdhexaadka ahayn, Gedo laga soo saarayo Ciidanka DF iyo in Cabdi Xaashi loo madax-baneeyo magacaabista gudiga doorashadda Xildhibaanadda Somaliland.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.