Muxuu salka ku hayaa safarka Muuse Biixi ee Mareykanka?

Somaliland ayaa ku fashilantay aqoonsiga mudo 30 sano ah raadinaysay, iyadoo isku-daygii ugu dambeeyay ee UK uu kusoo dhamaadey guul-darro, islamarkaana uu noqday hal-bacaad lagu lisay.

Warar Keydmedia Online
Muxuu salka ku hayaa safarka Muuse Biixi ee Mareykanka?

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta safar ugu ambabaxay dalka Mareykanka, isagoo sii maray wadanka Itoobiya, oo albaab u ah, marka uu booqasho dibadda aadayo.

Muuse Biixi ayaa mudo sugayay safarka Washington, isagoo ka dhiganaya waxqabad maadaama ay doorasho kusoo foodleedahay sanadkan, oo Musharax u yahay Xisbiga haya talada ee Kulmiye.

Wasiiro dhowr ah ayaa ku wehliya safarkiisa, kuwaasoo Fiisaha kasoo qaatey Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti, iyagoo ku safraya Baasaboorka Jabuuti, maadaama midka Somaliland aan la aqoonsanayn.

Muuse Biixi ayaa waxuu Mareykanka kula kulmi doonaa Jaaliyadda Somaliland, waxaana uu isku dayi doonaa inuu raadiyo Mas'uuliyiin kamid ah Maamulka Biden, oo la kulmo, isagoo suuq-geynayao Madaxbanaanida Somaliland, oo mudo 30 sano la waysan yahay.

Somaliland ayaa ku fashilantay aqoonsiga ay raadinaysay tan iyo 1991, iyadoo isku-daygii ugu dambeeyay ee UK uu kusoo dhamaadey guul-darro, islamarkaana uu noqday hal-bacaad lagu lisay.

Muuse Biixi ma casuumin dowladda Mareykanka, wuxuuna ku socdaa sida la sheegay casuumaad gaar ah, waxaana lagu soo waramayaa in banaanbax isaga ka dhan ah in lagu diyaariyay Washington, kaasoo ay dhigayaan Jaaliyadda Koonfur Galbeed oo dacwad ka gudbiyay barakicintii reer Koonfurta Laascaanood lagu sameeyay 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.