Muxuu Xasan Sheekh uga fursad fiican yahay Farmaajo?

Dhowr arrimood ayuu Xasan Sheekh uga fiican yahay Xasan Sheekh Farmaajo, waxaana kamid ah la dagaalanka Al-Shabaab iyo dib u heshiisiinta dalka.

Warar Keydmedia Online
Muxuu Xasan Sheekh uga fursad fiican yahay Farmaajo?

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib doorashadii 15-kii May, waxaa isha lagu hayay Xasan Sheekh iyo tallaabooyinka uu qaadayo 100-ka maalmood ee ugu horeeya Madaxtinimadiisa.

Waxay dad badan u arkaan Xasan Sheekh inuu yahay hogaamiyaha isbedelka, xoreynta dalka iyo dib usoo kabashadda dhaqaalaha iyo amniga, inkastoo ay jiraan kuwa dhaliilaya siyaasadiisa.

Xasan Sheekh wuxuu helay fursaddo uu dayacay Farmaajo, waxaana kamid ah taageeradda shacabka Soomaaliyeed iyo mida dowladda Mareykanka ee dagaalka Kooxda Al-Shabaab.

Farmaajo wuxuu ka gaabiyay arrimo amniga iyo dagaalka Al-Shabaab kamid ahaayeen, iyo inuu abuurtay cadaawad badan iyo mucaarad meel walba ah, taasoo ka leexisay shaqadda qaranka.

Xasan Sheekh banaanka ayuu joogay, dusha ayuuna ka arkayay qaladaadkii Farmaajo, waxaana taasi kamid yahay fursadaha uu haysto oo casharka ka baran karo, si godka mugdiga uga leexdo.

Sidoo kale, Xasan Sheekh waa markii 2aad oo uu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya, waana fursad aan horey u helin hogaamiye kale, waxaana hadii uu ka dhabeeyo balad-qaadkiisa ka gali doonaa taariikhda baal dahab ah.

Soomaaliya waxay dagaallo, abaaro iyo xaalado kale kusoo jirtay 30 sano, waxayna u baahan tahay dowlad wax-qabad leh, oo Madaxdeeda leh wadaniyad iyo aragti fog oo isbedel ah, ee ma u baahna dad u yimid inay dhaqaale ka abuurtaan mashaariicda umadda loogu dhiibo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.