Muxuu yahay Ujeedka Wafdiga AU-da ee yimid Muqdisho?

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu heshiiyay in loo bedelo ATMIS, oo ah magac cusub oo loo bixiyay Ciidan si KMG usii joogi doono dalka.

Warar Keydmedia Online
Muxuu yahay Ujeedka Wafdiga AU-da ee yimid Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Muqdisho soo gaarey Maanta Wafdi ka socda Midowga Afrika, kaasoo saddex maalmood ku sugnaan doono Caasimadda, islamarkaana wadahadal la qaadan doono Madaxda AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

AMISOM ayaa xaqijisay in dalka uu yimid Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka, Amb. Bankole Cadeooye, kaasoo Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira iyo mas'uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb. Francisco Madeira ayaa Amb. Bankole Cadeooye kula kulmay Xalane, halkaasoo uu ku sugnaan doono maalmaha uu booqashada ku jiro.

Amb. Bankole Cadeooye ayaa u yimid Muqdisho dardar-gelinta barnaamijka lagu dhisayo howlgalka cusub ee ATMIS, oo ah midka bedelaya AMISOM oo waqtigeeda ku eg yahay 31-ka March.

ATMIS ayaa noqon doono howlalka si toos ah u hoostaga dowladda Soomaaliya, oo dhaqaalaha ku baxaya Gollaha Amniga bixin doono, iyadoo ujeedka uu yahay inay sii hayaan amniga goobaha AMISOM ka baxayso, illaa inta laga diyaarinaya Ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh inay mas'uuliyadda dalka la wareegaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.