KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Booliska ayaa la aas-aasay 79 sano kahor, waxaana ay shaqadooda ahayd mid muuqata inta uusan dalka galin burburka, laakiin hadda ay sameynayaan dib usoo kabasho.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Booliska Soomaaliya xusay Sannad Guurada 79-Aad ee aas-aaskiisa, iyadoo dalka, gaar ahaan Caasimadda xaaladeeda ami aysan wanaagsanayn.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa u hambalyeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabaddan taariikhiga ah, oo sanad walba ma la xuso, inkastoo sidii la rabey dalkoo dhan uga dhicin.
Waxaan ugu hambalyeynayaa Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda Xuska Sannad Guurada 79-Aad ee aas-aaska," ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa xusay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markasta ay naftooda u huraan ciidda iyo Calanka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqey shacabka inay la shaqeeyaan booliska, si ay waajibaadkooda ugu gutaan si wanaagsan, islamarkaana looga hortago weerarada Al-Shabaab ee Muqdisho.
Xuska wuxuu kusoo aadayaa dalka uu u jiheystay dabar-gooynta argagixisada Al-Shabaab oo sannado badan curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed iyo horumarka Soomaaliya.
KEDYMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.