MW Xasan Sheekh oo ka dhabeeyay balandkiisa ugu horeeyay

Kadib doorashadiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa balan-qaadey inuu dalka kusoo celinayo dhabaha saxda ah, islamarkaana uu sixi doono qaladaadkii Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan Sheekh oo ka dhabeeyay balandkiisa ugu horeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Muqdisho soo gaarey dufcadii ugu horeysay Ciidanka lagu soo tababarey dalka Eritrea, kuwaasoo mudo saddex sano ah maqnaa, iyadoo waalidiintooda ay ilinta ka dhamaatay sida ay ugu barooranayeen jidadka Caasimadda xiligii Farmaajo.

Soo celinta askarta waxay ahayd balan-qaad uu Madaxweyne Xasan Sheekh u sameeyay waalidiinta markii uu kasoo laabtay Eritrea safarkiisii ugu horeeyay, ee uu kula soo kulmay dhalinyarada.

Illaa 5,000 oo dhalinyaro ah, ayuu si qarsoodi ah Fahad Yaasiin ugu diray Eritrea 2019-2020, kuwaasoo lagala kala soo qoray gobollada dalka, waxaana lagu siray inay shaqo ka heleen dalka Qatar.

Qaar kamid ah dhalinyarada ayaa Villa Somalia sheegtay inay ku dhinteen tababarka, qaarna ay xanuuno ku dhacay u geeriyoodeen, waxaana la ogeyn hadda tirada rasmiga ah askarta imaanaysa.

Kadib doorashadiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa balan-qaadey inuu dalka kusoo celinayo dhabaha saxda ah, islamarkaana uu sixi doono qaladaadkii Farmaajo sameeyay 2017-2022.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.