Nabadoon aano-qabiil loogu dilay Hiiraan

Nabadoon Geelle Faarax Oreey, ayaa ahaa shaqsi ka shaqeeya Nabadda, oo aad looga qadariyo degaanadda ku yaalla duleedka degmada Matabaan.

Warar Keydmedia Online
Nabadoon aano-qabiil loogu dilay Hiiraan

MATABAAN, Soomaaliya - Nin kamid ahaa Nabadoonadda gobolka Hiiraan ayaa Maanta loo dilay aano qabiil, oo mudooyinkii dambe ka socota gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Geelle Faarax Oreey ayaa waxaa lagu dilay Tuuladda Dhisiq, oo ku taalla duleedka degmada Matabaan, iyadoo Saraakiisha amniga gobolka ay sheegeen in Koox hubeysan ay falkaasi geysteen, islamarkaana la ogeyn halka ay u baxsadeen.

Dilka Nabadoonka ayaa dhacay Saacado kadib markii Darawal Gaari Xamuul lagu dilay maanta meel ku dhaw Matabaan, mana la oga in labada dil uu xiriir u dhaxeeyo oo salka ku hayaan aargoosi iyo aano-qabiil.

Goobjoogiyaal ayaa sheegaya in dilka Nabadoonka uu la xiriiro aano-qabiil oo gobolka Hiiraan ka jirta, taasoo Maamulka Hirshabeelle ku guul-dareystay inuu wax ka qabto, maadaama Madaxda sare ay noqdeen kuwa fadhiid ah oo Muqdisho degan.

Cali Guudlaawe, oo November 2020 lagu doortay Jowhar ayaa Muqdisho ku sugan mudo maalmo ah, isagoo maray jidkii Madaxdii ka horeysay oo iska degay Caasimadda doorashadoodii kadib.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.