NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay

Ciidamada ayaa ku jira xiligan qeybta Cargo - Xamuulka diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cadde kadib markii ay heleen xogta ku saabsan in Mucaaradka Lacag u timid.

Warar Keydmedia Online
NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka NISA ayaa gudaha u galay Garoonka Aadan Cadde kadib markii ay heleen xog ku saabsan in Mucaaradka ay Lacag dibadda uga timid ay kasoo degtay.

Illo ku sugan Garoonka ayaa u sheegay Keydmedia Online in Ciidanka ay baaritaan xoog leh kawadaan qeybta Cargo ee Xamuulka diyaaradaha, oo ay ka raadinayaan boorsooyin lacag lagu soo qariyay.

Dhaq-dhaqaaqa Garoonka ayaa hakad ku jira xilligan, waxaana socda baaritaanka NISA, iyadoo aan la ogeyn in lacag u socota ay timid Garoonka, taaso loogu tala-galay doorashadda.

Farmaajo ayaa qaba cabsi ah in Imaaraadka uu lacag keeno Muqdisho, oo Mucaaradka ku taageerayo doorashadda, taasoo ah mid lamid ah tii ay isaga u sameysay Qatar 2017.

Taliyaha NISA ayaa dhawaan xili Habeen ah u timid diyaarad Qatar Airways leedahay oo ka timid Doha, waxaana xubno katirsan Nabad Sugida u sheegeen Keydmedia Online inay wadey diyaaradda lacag u socota Farmaajo, oo musharax ah isamarkaana raadinaya dib u doorasho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.