NISA oo beegsi ku haysa Madax mucaaraday Farmaajo

Fahad Yaasiin ayaa lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay mashaakilka ka taagan gobolka Gedo.

Warar Keydmedia Online
NISA oo beegsi ku haysa Madax mucaaraday Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaanka NISA ayaa xayiraad inaysan ka dhoofi karin Garoonka Aadan Cadde kusoo rogay Mas'uuliyiin kala duwan oo kasoo jeeda Gedo, kuwaasoo kasoo horjeestay siyaasadda Farmaajo ee ku aadan gobolka.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Maxamed Nuur Macalimuu ayaa kamid ah ragga lagu xayiray Muqdisho, waxaana tallaaban lagu tilmaamay mid Farmaajo uu ka dambeeyo si uu ragga taabacsan Axmed Madoobe uga reebo dorashadda Garbahaarey, oo ay doonayeen inay u tartamaan xil xildhibaanimo.

"Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA," ayuu yiri Macalimuu.

Dadka NISA ay beegsanayso waxaa kamid ah Odayaal dhaqan, waxgarad, wariyeyaal, Xildhibaanno iyo saraakiil Ciidan, kuwaasoo loo diiday inay diyaarad ka raacaan Garoonka Muqdisho oo dib ugu laabtaan Gedo.

Gudoomiyihii hore ee Gedo ayaa ugu baaqey Rooble inuu soo farageliyo arinta oo wax ka qabto dhibaataada ka taagan Garoonka ee NISA kawado, isagoo intaasi ku daray in lagula xisaabtami doono Farmaajo iyo Fahad dembiyada dalka guud ahaan iyo gaar ahaan Gedo ka geysteen.

Gedo ayaa waxaa ka taagan dhibaato xoog leh oo dhanka maamulka la xiriirta, iyadoo Farmaajo uu doonayo in 16-ka Kursi ee yaalla gobolka kuwaasoo lagu dooran doono Garbahaarey inay noqdaan shaqsiyaad isaga taabacsan, oo u codeeya doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.