NISA oo ‘qabatay’ walxo qaraxyada laga sameeyo oo u socday Al-Shabaab

Warkan ayay NISA kusoo beegtay xili dalka maanta uu xusayo sanad-guuraddii 3aad ee qaraxii Zoobe, kaasoo ay ku dhineen shacab badan oo Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
NISA oo ‘qabatay’ walxo qaraxyada laga sameeyo oo u socday Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida iyo Siroonka Soomaaliya ee NISA ayaa bogga ay ku leedahay Twitter-ka kusoo qortay maanta in la qabtay maadooyiin qaraxyada laga sameeyo iyo shaqsiyaadkii wadey.

"Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Maafiyada Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga. Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka Aragagixisada," ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA ma aysan sheegin halka lagu qabtay iyo tirada dadka la hayo, iyadoo warkan uu kusoo beegmayo xili maanta la xusayo sanad-guuradii 3aad qaraxii Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 632 qof.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.