Puntland: Ganacsiga Garowe oo xiran

Garowe ayaa lagu sarifayaa $1 inta u dhacaysa 40,000 ilaa 50,000 Sh.So, waana mid aan fadhiyin oo qof walba waxa uu doono ku sarifayo.

Warar Keydmedia Online

GAROWE, Soomaaliya - Ganacsiga magaalada Garowe ayaa maanta xiran, kadib markii uu sare u kac ku yimid sarifka doolarka sidoo kalena uu Maamulka Deni la xadiday lacagta Taleefonka lagu qaato [Mobile money], oo Sahal looga yaqaano Puntland.

Dibadbax cabasho ah ayay ganacsatada qaar iyo dadka shacabka ah ka sameeyeen wadooyinka Garowe, iyagoo ka dalbanaya Deni inuu wax ka qabto sicir-bararka iyo hoos u dhaca qiimaha lacagta Shilinka Soomaaliga. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.