Qaali: Doorasho ma dhici doonto illaa la soo daayo Ikraan Tahliil

Ikraan Tahliil ayaa ku maqan gacanta Fahad Yaasiin, oo ay ka heyso xog xasaasi ah oo hadii ay afka furato ku noqon doonto dhul-gariir iyo qarax folkaano.

Warar Keydmedia Online
Qaali: Doorasho ma dhici doonto illaa la soo daayo Ikraan Tahliil

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax, oo muddo ka badan 3 bilood lagu la’yahay gacanta taliyaha NISA Fahad Yaasiin, ayaa Maanta markale la hadashay warbaahnta, iyadoo murugo iyo tiiraanyo ka muuqata, oo indhaheeda ilin ka daadanaysa.

Waxay sheegtay in kiiska gabadheeda aan ilaa hadda wax laga qaban, kadib markii ay xiriiro iyo kulamo la sameysay madax kala duwan oo uu ku jiro Fahad Yaasiin, oo ah qofka ugu horeeya ee lagu tuhmayo Gabadha.

Hooyadan dhibaateysan, oo cid u hiilisa waysay dowladda, ayaa ku hanjabtay inaan dalka doorasho ka dhici doonin illaa laga soo daayo gabadheeda Ikraan oo ahayd madaxa Amaanka Internet-ka [Cybersecurity department head] ee NISA.

Waxay Ikraan ku jirtaa guri qarsoodi ah, oo ku yaalla Muqdisho, sida ay Keydmedia Online ogaatay [Halkan ka akhri warbixin], iyadoo marba meel la geeyo si aan loo ogaan halka ay ku sugan tahay, maadaama baaris ay socoto.

Qaali waxay caddeysay inuu Fahad Yaasiin balanta uga baxay kadib markii kulan ay la yeelatay ugu sheegay in labo maalin gudahooda Gabadheeda ku helayso, laakiin taasi aysan dhicin.

Waxay kaloo xustay in Farmaajo iyo Rooble ay Taleefonka ka qaban waayeen, xitaa ay jawaab ka helin fariimo ay u dirtay, taasoo ka tarjumeysa inaysan dooneynin Kiiska Ikraan inaysan galin, maadaama Fahad Yaasiin uu haysto, iyaguna aysan ninkaas la hadli karin.

Ikraan oo ahayd 23 jir, ayaa gacan-yare usoo noqday duqii Muqdisho ee la dilay 2019 Eng Yariisow, waxayna sidoo kale heysaa liiska dhalinyarada ku maqan Eritrea, ee la sheegay in la geliyay dagaalkii Tigray, oo aysan kasoo laaban. Arrimaha ayaana loo sababeynayaa afduubkeeda.

Maadaama xili doorasho lagu jiro, oo Farmaajo Musharax yahay, ma doonayo in Gabadhan lasoo daayo, oo hadhowna bixiso xogta ay ka heyso, oo ah mid xasaasi ah oo dhaawacaysa qorshihiisa dib u doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.